WAJAALE NEWS

Dawlada Maraykanka Oo Madaxwayne farmaajo Ugu Baaqday In Uu Taageero Dadaalada Qabsoomida Shirka Golaha Wadatashiga Ee Uu Wado Raysal-wasaare Rooble!

MUQDISHO(W,N)-Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ee Dalka Mareykanka ayaa lagu  sheegtay in ay Madaxwayne farmaajo  kala hadashay in  si deg deg ah loogu Baahan yahay in la joojiyo hadallada iyo ficilada uga sii daraya Xaaladda siyaasadeed ee somaliya.

Sidoo kale Qoraalkan ayaa lagu sheegay in Farmaajo lagu Adkeeyey in ciidamada amnigu ay dhexdhexaad ahaadaan. Waxaana ay ku booriyeen Mohamed Abdullahi Farmaajo inuu Ku taageero Raysalwasaare Mohamed Hussein Roble Qabashada shirka madasha iyo dhamaystirka doorasho lagu kalsoonaan karo si deg deg ah.

Dhanka kale wasaarada arimaha dibada Mareykanka oo la hadashay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxay u sheegeen in ay taageersan yihiin dadaalkiisa uu ku qabanayo shirka Golaha Wadatashiga Si loo saxo khaladaadka doorashada, isla markaana si deg deg ah loogu soo gabogabeyn lahaa doorasho lagu kalsoon yahay, oo qabsoonta wakhtigii loo mudeeyay.

Beesha caalamka ee taageerta maamulka somaliya ee uu hormuud uyahay marayku ayaa iyagu si toos ah uga horyimid talaabooyinkii  uu qaaday madaxwaynaha xilkiisu dhamaaday ee somaliya maxamed cabdilaahi farmaajo kuwaasi oo sobobay khilaafka culus oo ka dhex qarxa raysalwasaaraha Somaliland rooble halka ay wadamada somaliya taageeraa ay taageero buuxda la barbar istaageen raysalwasaare rooble oo isagu wada dadaal ay ku qabsoomi karto doorashada somaliya ee wakhtigeeda dhaaftay oo hada doorashada aqal sare soo dhamaatay halka ay doorashada xildhibaanada aqal hoosena marayso meel gabo gabo ku dhow maamul goboleedyada somaliya ay soo doorteen xildhibaanadii golayaashan ku matali lahaa.

Exit mobile version