WAJAALE NEWS

Orodyahanka Reer Jabuuti Ayaanle Saleebaan Oo Kaalinta Ka Labaad Galey Orodka 1500Mt ee Lagu Qabtey Dalka Talyaaniga.

Souleiman_AyanlehFL-World13Roma(Wajaale News)-Orodyahanka caanka ah ee u dhashey dalka Ayaanle Saleebaan ayaa, kaalinta labaad ku guuleystey orodka IAAF Diamond Leauge Rome ee 2014ka orodkan oo lagu qabtey Magaalada Rom ee Xarunta dalka Talyaaniga, waxa uu orodyahanku labadii wareeg ee hore kujirey kaalinta koowaad iyadoo, qaar kamid ah tartamayaashii hor cararayay mid kamid ahi ku hadhey Wareegii koowaad halka kii labaadna ku hadhey wareegii labaad kadibna, uu isagu hogaaminayay, iyadoo aakhirkii uu ka hor marey qadar aan sidaa u badneyn mid kamid ah orodyahanada la tartamayay, waxaanu sidaa ku galey kaalinta labaad.

Orodyahankan u tartama dalka Jabuuti , Ayaanle Saleebaan, ayaa tartanka 1500mt ka galey kaalinta labaad, kadib markii daqiiqadihii u dambeeyay uu orid xowliya ku

dhaafey mid kamid ah tartamayaashii orodkan kujirey oo kaalinta koowaad sidaa kaga qaadey, Waxaanu Ayaanle kamid yahey orodyahanada da,da yar ee xiligan rikoodhada fiican ku leh orodada Caalamka.

Orodyahankan Reer Jabuuti Ayaanle Saleebaan ayaa, dhawaan waxa baabuur ku wareejiyay Madexweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele kadib markii uu kusoo guuleystey orod caalami ah oo ka dhacey dalka dibadiisa, isagoo Madexweyne ku dhiiri galiyay magaca uu usoo hooyay dalkiisa Jabuuti.

Guud ahaanba Shacbiga Soomaalida ayaa, siweyn usoo dhaweeyay dedaalka orodyahankan, iyo kaalinta fiican ee ka galey orodka 1500mt ee lagu qabtey Magaalada Rome ee Xarunta dalka Talyaaniga.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email;habane00@gmail.com
Wariye: Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version