WAJAALE NEWS

Markab weyn oo Itoobiya u sida Qalab Dhisme oo ku soo xidhay Dekedda Berbera

hargeisa(wajaalenews)Markab weyn oo Dawladda Itoobiya u sida qalab dhisme ayaa ku soo xidhay Dekedda Berbera kaasoo u gudbi doona maalmaha soo socda dhinaca Itoobiya, gaar ahaan Kililka shanaad.

Gaadiid badan oo xamuul ah ayaa shalaya ka soo talaabay xuduudka wajaale illaa xalayna u guuraynayey dekedda Berbera si ay usoo qaadan shixnada saaran Markabkaasi oo ah qalabka dhismaha oo lagu hirgalinayo masahaariic Horumarineed oo laga fulinayo is maamulka deegaanka Somalida Itoobiya.

Maareeyaha Dekedda Berbera Eng: Cali Xoor xoor oo Waaheen xalay wax ka weydiisay ayaa xaqiijiyey Markabkaasi inuu ku soo xidhanayo Dekedda Berbera, isagoo sheegay in uu sido qalab dhisme oo uu ku tilmaamay qalabka laga dhiso guryaha meelaha cidlada ah laga dhiso (Kaamamka) isagoo tilmaamay inay qayb ka yihiin Mashaariicda laga wado Dalka Itoobiya.

Cali waxa uu sheegay in Dawladda Somalailand iyo Dawladda Itoobiya heshiisyo balaadhani dhawaan dhex mari doonaan, isagoo sheegay bishan dabayaaqadeeda inay labada Dal kulan balaadhan ku yeelan doonaan Magaaladda Addis ababa.

Cali Xoor Xoor waxa uu sidoo kale sheegay shixnada Dhismaha ah ee Markabkan saaran in ay ka qayb qaadan doonaan baabuurta xamuulka ee dadka Reer Somaliland si faa’iido ay labada dhinacba ugu wada qabaan isagoo cadeeyey inay illaa shan iyo labaatan gaadhi oo kuwa Itoobiyaanka ahi ku soo wajahan yihiin Berbera.

 wajaalenews.net
hargeisa/office
Exit mobile version