HARGEISA(Wajaalenews) In ka badan 60 qof oo isugu jira dumar iyo carruur, ayaa la sheegay in kooxda Islaamiyiinta ee Boko Haram ay ku af-duubeen meel u dhaw Woqooyiga dalka Nigeria, sidaana waxa caddeeyey sarraakiil sarsare oo ka tirsan dawladda dalka Nigeria iyo waliba dad ku sugnaa deegaanka ay qafaalashadu ka dhacday.
Af-duubka ay ku tallaabsadeen kooxda Boko Haram, ayaa la sheegay inay ka dambaysay kadib dagaal muddo toddobaad ah lagula jiray kooxahan oo ka socday tuulooyinka iyo goobaha ay ku sugan yihiin Boko Haram, taasoo lagu baadi-goobayey 200 hablood oo laga afduubay goob dugsi, waxana lla sheegay in af-duubka dadka gaadhaya ilaa 60 qof oo isugu jira haween iyo carruur uu yahay mid ka jawaab-celinaya weerarda is daba jooga ah ee lagu qaaday kooxda Boko Haram.
Sidoo kale, wariye ka tirsan laanta BBC-da ee qaybta Ingiriiska ayaa shegay in daraasiin dad ah lagu dilay dagaalka u dhexeeyey labada dhinac iyo in la arkayey dad farabadan oo ka qaxaya tuullooyinkii ay ku noolaayeen.
Sarkaal sarre oo ka tirsan dawladda Nigeria, ayaa wakaaladdaha wararka guddaha ee dalka u caddeeyey in kooxda Boko Haram ay afduubeen lixda qof oo haween iyo carruur isugu jira, waxaanu intaas ku daray inay awood u isticmaaleen qafaalashada dadkaas, sidoo kale sarkaalkan wuxuu sheegay in gebi ahaanba la burburiyey tuulladii ay dadkaas ku noolaayeen, taasina ay keentay in dadkii ka firxaday dagaalku ay u qaxeen meel u jirta 25 km.
kooxda Boko Haram oo ka dagaalanta dalka Nigeria, ayaa walaac badan ku haysa dawladda dalka Nigeria, kadib markay ku guuldareysteen inay dagaal fool-ka-fool ah isu haleelaan kooxahan oo ku dagaalama mid dhuumaalaysi ah, isla markaana fara ba’an ku haya dadka rayidka ah, taasoo ay gebi ahaanba gumaadaan tuullooyinka haysta diinta kiristanka ee ka fogfog gacanta milatariga dalka Nigeria.