Hargeysa(Wajaalenews) Wefti culus oo ka socda Baanka Adduunka oo ay hogaaminayso Haweeynayda u qaabilsan dalalka labada Suudaan iyo Somaliya ee fadhigeedu yahay dalka Kenya ayaa shalay soo gaadhay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyadoo kulamo la yeelatay madaxda Qaranka.
Haweenaydan hogaaminaysa Weftiga Baanka Adduunka oo lagu magacaabo Bella bird ayaa mudada ay Dalka joogto ku eegi doonta mashaariicda Baanka Adduunku ka fuliyo Somaliland, iyadoo joogi doonta dhawr maalmood.
Weftigan ahaa ujeedadiisa ugu weyni tahay sidii ay u qiimayn lahaayeen mashaariicdii hore isla markaana u qorshayn lahaayeen mashaariicda sanadka cusub Banka Adduunku fulin doono.
Illaa hada inta la ogyahay waxay kulamo la yeelatay qaybaha kala duwan ee uu Baanka Adduunku siiyo mashaariicda Dalka ka socda, waxaanay shalay ka qayb qaadatay kulan qado sharafeed ah oo shalay loogu sameeyey Hotel Ambassador, kaasoo ay ka qayb galeen Wasiiradda ay khuseeyaan mashaariicda Banka Adduunku bixiyo.