WAJAALE NEWS

Haddii Muuse Biixi ku Qanci Waayo Go’aanka Gudidda Maxaa la Gudboon si uu Hankiisa u Gaadho?

HARGEISA(Wajaalenews) ; Khilaafka siyaasadeed ee ka dhex qarxay Xisbiga KULMIYE ee haya tallada dalka Somaliland, ayaa hadda maraya figtii u sarreysay, isla markaana waxaa kaliya laga wada dhur-sugayaa go’aanka ay soo saaraan guurtida iyo gudidda dhexdhexaadinta khilaafka Xisbiga KULMIYE oo iyagu labada garaba dhagaystay dacwadoodii.

Haddaba,  waxay iswaydiintu tahay go’aankaa Gudiddu ma noqon karaa mid soo af-jara khilaafkaas? Mase noqon karaa mid labada garab ay ku qancaan? Sida ay su’aashu u sahlan tahay jawaabtu uma fududa, waxayna khubarada odorasa ama ka faalooda saaxada siyaasadda Somaliland ka bixinayaan aragtiyo kala duwan, haddaba bal aynu isku dayno inaynu dhinacyo kala duwan ka eegno arrinta iyo maxsuulka ka dhalan doona go’aanka Guurtida laga sugayo. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa gari laba nin kama wada qosliso, shakina kuma jiro in go’aanka Guurtidu cidna raalligelin doono,  dhinaca kalena  aanay ku farxi doonin,  hasa ahaatee bal aynu eegno ifafaalaha muuqda iyo isha ay leedahay maanta.

Garabka madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa markaad eegto barnaamijyada waji-ku-macaashka ah ee ay bilaabeen iyo abaabulka xoogan ee ay bulshada ku kicanayaan waxaa ka muuqata inay go’aankoodu mid yahay kaasi oo ah maadaama Muuse Biixi lagu qancin kari waayay inuu Madaxweynaha u tanaasilo iyo in Mujaahid Muuse haatan laga faramaroojiyo Xisbiga, si kastaba ha ahaayee, geesta kale Muuse Biixi iyo xulafadiisa oo iyagu ilaa maalintii taladda dalka qabtay Xisbigan ay hogaanka ka yihiin ee KULMIYE ka fara madhnaa Xukuumadda iyo mansabyadda siyaasada dalka ayaa iyaguna u muuqda qaar cidiyo ku dagaalana, hadalkii u dambeeyay ee Mujaahid Muuse Biixina wuxuu shaaca ka qaaaday in ay ka go’antahay inuu noqdo musharaxa jagadda Madaxweynaha shanta sanno ee dambe wuxuu calafkiisu siiyaba, islamarkaana aanu marnaba tanaasulayn. Go’aan kastaba ha soo saarto Guurtiddu’e markaad u fiirsato baaxada dagaalka ay ku hayaan labada garab ee KULMIYE maba jirto mana muuqato sabab ay isku sii ag joogaan iyo iyadoo ay aad u adag tahay sdii loo heli lahaa go’aan qanciya labada garab, sidaan qabana waxa lagama maarmaan ah in Xisbiga KULMIYE labada garab midkood ku adkaado. Cida kala adkaanaysaa waa Madaxweyne Siilaanyo oo haysta awooddii dawladda iyo Mujaahid Muuse Biixi oo isagu kaliya haysta xisbigii KULMIYE, sidaa awgeed waxaa iska cad inay dawladdu adkaanayso.

Haddaba,  sida warar aan rasmi ahayn oo laga helayo ilo xogo-gaal ah ay sheegayaan in qaar ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland ay wadaan qorshe ah inaan Muuse cidlo la dirin Madaxweynahana loo daayo Xisbiga KULMIYE, isla markaana waxay wararku intaa ku darayaan in odayaashu kulan wada-xaajood ah la yeesheen Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, una bandhigeen in Muuse Biixi uu noqdo murashaxa Xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseena lagu qanciyo inuu duco qaato, maadaama ay isku beel ka soo jeedaan, sidoo kale waxay wararku intaas raaciyeen in Faysal Cali Waraabe isna arrintaas uga raaridi lahaa, balse ilaa hadda lama hayo jawaabta rogaal-celiska ah ee uu ka bixin doono murashaxa hadda u taagan Xisbiga UCID ee jagadda Madaxweynaha Somaliland.

Arrintan, ayaa waxa loo daliishanayaa in Mujaahid Muuse Biixi uu hore uga sii tabaabushaystay, isagoo gacan iyo tallooyin uu ka helay Golihii Wada-tashiga, isla markaana ay u fudaydiyaan siduu Mujaahid Muuse u heli lahaa wadadda ugu dhaw ee uu ku hanan karo kursiga ugu sarreyeeya qaranka Somaliland, haddii ay timaadba in khilaaf ka dhex qarxo guddaha Xisbiga KULMIYE.

Ugu dambayn, haddii ay dhacdo in tartanka kursiga Madaxweynaha Somaliland ay u tartamaan Madaxweyne Siilaanyo, Mujaahid Muuse iyo murashaxa xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Cirro, miyaan la odhan karin in doorashada dambe ay noqon doonto mid lagu tartamo qabyaalad iyo habar-wacasho.

 

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

WIXII TALO AH MA FIKIR KUSAABSAN WARBIXINTA NOOGU SOO HGAAJIYA EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

KANA BIXI ARAGTIDAADA

Exit mobile version