WAJAALE NEWS

Shirweynaha Qaran Ee Saxaafada Somaliland oo Ka Furmay Hargeysa

Hargeysa (WJN)- Shirweyne ay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelintu u qabatay Warbaahinta Somaliland, ayaa maanta ka furmay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo uu illaa berri ka socon doono.

Shirkaas waxaa ka qaybgalay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xisbiyada Siyaasadda, Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Ururrada Saxaafadda ee bahwadaagta la ah Solja, Weriyeyaasha iyo Masuuliyiinta Hay’adaha Warbaahinta ee Somaliland ka jira qaarkood, Masuuliyiin iyo marti-sharaf kale.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version