Hargeysa(Wajaalenews):- Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan Ayaa Waxaa Ay Maanta Kulan La Yeeltay Gudida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Somaliland .
Kulankan Ayaa Waxaa Uu Ahaa Mid Ujeedadiisu Aheyd Sidii Gudida Iyo Wasiirka Maaliyadu Ay U Yeelan Lahayeen Wada Shaqeyn Wanaagsan Gudoomiyaha Gudida Dhaaqalaha Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Cumar Maxamed Sanweyne Ayaa Kuankan Ka Warbixiyey Waxaana UU Yidhi “ Kulankani Waxaa Uu Ahaa Sidii Ay Gudida Dhaqaalaha Ee Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan Oo Ah Wasiir Ku Cusub Wasarada Maaliyada Ay Wada Shaqeyn Wanaagsan U Yeelan Lahayeen Iyo Sidoo Kale Kulan Is Barasho” Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Gudida Dhaaqalaha Ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Cumar Sanweyne.
Sidoo Kale Waxaa Iyaduna Dhinaceeda Madasha Ka Hadashay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan Waxaana Ay Xustay In Kulankani Uu Ahaa Mid Faa,ido Badan Ay Ka Heleen Waxaana Ay Tidhi “ Runtii Kulankani Waxaa Uu Kulan Faa,ido Badan Leh Waayo Waxaanu Ka Faa,idnay Waxyaabo Badan Oo Ay Inagala Shaqeyn Karaan Iminka Waxaanu Wadana Cashuurihii Bariga Waxaana Aanu Isku Af Garanay In Ay Nala Shaqeeyan Dadkana Ay Ka Dhaadhiciyaan In Ay Cashuurta Bixiyaan Waxaa Kale Oo Aanu Ka Wada Hadlanay Xeerar Aanu Soo Wadano In Ay Qeyb Weyn Ka Qaatan Oo Ay Nagala Shaqeeyan Markaa Runtii Kulankan Is Faham Iyo Faa,ido Badan Ayaanu Ka Helanay “ Ayey Tidhi Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan .