Hargeisa(Wajaalenews) ;Booliiska ayaa manta gacanta ku dhigay laba nin oo ka mid ahaa koox shalay Hotelka Maansoor ku fara saartay Salaadiin qabanaysay Shir jaraa’id oo ay ku taageerayeen Musharaxnimada Madaxweyne Siilaanyo.
Labada Nin ee la qabtay oo la kala yidhaahdo Yuusuf Cabaade iyo Axmed Yuusuf (Habaryaro) ayaa la sheegay in manta xabsiga loo taxaabay kadib markii ay Ciidanka Booliisku hawl gal ay ku raad joogeen ay ku heleen.
Booliiska ayaa sidoo kale hawl-galka ay ku qabteen labadan nin mooyee wali ku guda jira qaba qabashada dhamaan dadkii ku lugta lahaa falkii shalay lagu hadiday salaadiinta.
Kooxdan la qabtay ayaa taageersan Guddoomiyaha Xisbul xaakimka Kulmiye, kaasoo xilligan ay si weyn isaga soo horjeedaan Madaxweynaha Somaliland oo ay isku haystaamn Musharaxnimada Madaxtinimo ee xisbiaga Kulmiye.
Salaadiinta shalay shirka Jaraa’id qabtay ayaa shalay xukuumadda ugu baaqay inay talaabo ka qaado cid kasta oo amni darro ka samaysa Dalka.
HARGEISA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL,COM