WAJAALE NEWS

Maxaa Ka Jira Wadahadal La Weriyey In Xukuumaddu La Furtay Garaadka Somaliland-diidka Ah ee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

Maxaa Ka Jira Wadahadal La Weriyey In Xukuumaddu La Furtay Garaadka Somaliland-diidka Ah ee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

Hargeysa (Wajaalenews)-Wararka ka imanay gobolka Sool, gaar ahaan Tuuladda higladda oo u dhow Tukaraq ayaa sheegaya in shalay wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan kula kulmay Garad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah garaadadda reer Sool ee Maamulka Puntland taageera.

Inkastoo kulankaasi wax war ah laga soo saarin, warbaahinta aan looga waramin, haseyeeshee illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya inuu kulankaasi dhacay, mid dambana loo ballansan yahay.
Garaad Saleebaan ayaa lagu tiriyaa garaadada reer Sool ee Maamulka Puntland raacsan ,kana mid ahaa Odayaashii Dhulbahante ee qabanqaabinayey shirweynihii Khaatumo.
Haseyeeshee, xukuumadda Somaliland ayaa guullo waa weyn ka soo hoysay soo jiidashadda Madax dhaqameedka iyo siyaasiyiinta mabda’da Soomaali weyn aaminsanaa ee ka soo hor jeeday Somaliland, waxaana hore wada hadal ka dib dalka dib ugu soo laabtay Garaadka guud ee Beesha Jaamac Siyaad Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

 

Exit mobile version