WAJAALE NEWS

Diyaaradaha Dawlada Kenya Oo Duqayn Ka Gaystay Degmada Jilib Markii Labaad

Jilib(wajaalenews)Diyaaradaha Dagaalka Ee Dalka Kenya Ayaa La Sheegayaa In Ay Mar Kale Maanta Oo Talaada Ah Weerar Ka Fuliyeen Degmada Jilib Ee Gobolka Jubada Dhexe, Sidaas Waxaa Saxaafadda U Xaqiijiyey Afhayeenka Ciidamada Kenya Major Chirchir Inkasta Oo Aanu Faahfaahin Ka Bixin Khasaaraha Diyaaradohoodu Geysteen.

Ilo Ka Madaxbanaan Sheegashada Kenya Ayaa Sheegaya In Diyaaraduhu Duqeeyeen Dhul-Beereedka La Yiraahdo Fara-Guroow Oo Qiyaastii 4km U Irta Degmada Jilib.. Goobjooge La Hadley Warbaahinta Gudaha Ayaa Sheegey In Dadku Aad U Cabsanayaan, Isla Markaana Aysan Aadi Karin Beerahoda, Weerarkan Ayuu Sheegay In Ay Ku Dhaawacmeen 6 Qof Oo Labo Haween Tahay

Maalmo Ka Hor Ayey Ahayd Markii Laba Diyaaradood Oo Laga Lee Yahay Dalka Kenya Ay Duqeyn Ka Geysteen Saldhig Ay Sheegeen In Al-Shabaab Ku Sugnaa, Waxaana Kenya Sheegatey In Ay Halkaas Ku Dishey 11 Ka Tirsan Aö-Shabaab Oo U Dhashey Dalka Kenya.

 

Wajaalenews.Net

Hargeisa/Somaliland

C/Raxmaan Carab Daaud

 

 

Exit mobile version