FARI TOG DHEER BAY KULA XUSHAA
Waryaada! go’aankii Dawladda Somaliya cimiri yaraayee ma waarig buu ahaa waarigta ayuun baad aroortii aragtaa tiiyoo wac tidhi, hadana casarkiina tiiyoo dhimataye. Bal imika go’aankoodii sheege Madaxwaynihii Somalilandna waa kan diyaaradda khaaska ah loo soo diraye ma garteen in go’aankoodi halkii ay ku gaadheen iyaga oon ka kicin uu ku dhintay. Somaliland wax yeela ayuu ahaa go’aankooduye saaka ma waxbay yeeleen mise waxbay tareen.
Waxan xasuustay nin Sheekh ah oo Ehlu Laahiga ( adoomaha Ilaahay ee wanwanaagsan) ka mid ahaa oo aad ugu wanaagsanaa xertiisa ayay kuwii ugu dhadhawaa u tashadeen. Waxa caado u ahayd sheekha marka uu wax cunayo in aanu keligii cunin ee xertiisa inta waawayni la wadaagto waana inta shirqoolka u meleegaysa. Maalintii dambe ayay sun ugu dareen xeedhada dhankii uu isagu ka qaadanayay oo is yidhaahdeen ha idin dhaafoba. Ilaahay idankiisa markuu qaatay uu dig siiyay ayuun bay indhihi wac yidhaahdeen. Qasiido uu tiriyayna waxa ku jirtay, oo hadda xeetiisu maalin kasta akhriyi jirtay;
ينصر الله من يشاء بما يشاء، ومن السم قد يكون الشفاءُ
1988kii markii Siyaad Barre iyo Mingisto ay heshiiska kala saxeexdeen SNM waa tii weerarka ku soo qaaday fadhiisimadii ciidanka Siyaad Barre ee gudaha dalka sida Burco iyo Hargeysa, si kedis ah oo miidaamo ah. Warbaahinta caalamka laba Idaacadood ayaan idaacadaha nooga gaar ahaa hadii aanu SNM ahayn oo wararkooda aanu si gaar ah u xiisayn jirnay. Midi waxay ahayd France Inter midina tii Ruushka ee afka soomaaliga.
Geed-deeble ayaanu casar ku dhegaysanay ta faraansiiska oo nin weriye ah wax ka waydiisay dagaalka. Wuxu ku soo koobay midh kiniin ah uu Siyaad Barre dawo ahaan u liqay ayaa sun ku noqday. Xaqiiqaduna sidaas ayay ahayd oo Siyaad Barre hadii uu fili lahaa in wixii dhacay dhacayo inu la heshiiyo xabashi waxa uga haboonayd inu wadahadal toos ah la galo SNM oo Soomaali ahayd lakiin Soomaalidu waxay tidhaa TALO ISUMA KAA SHEEGTO.
Maanta ayay taagan tahay siyaasiyiinta cago-baruurada ah ee Muqdisho waxay ismoodeen wax aanay ahayn meel ay ka soo qaban karaanna way adag tahay inta ay xaqiiqada Somaliland isdiidsiinayaan indhahana ka meermeerinayaan. Soomaalidu waxa kale oy tidhaahdaa FARI TOG DHEER BAY KULA XUSHAA. Allay lehe way la xushay oo badwayne inay ku darto laga yaabaa
Cali Maxamed Yuusuf (cali gurey)