WAJAALE NEWS

Daawo: Dibi Aad U Cadhaysan Oo Cashar Lama Ilaawaana U Dhigay 3-Qof Oo Dadka La Ciyaara Ah Dalka Spain.

Madrid(Wajaale News):- Bilowga tartanka dibiga ee dalka Spain ayaa ku dhamaaday xaalad lagu tilmaamay masiibo, ka dib markii dibigii ugu horeeyay ee ciyaarahaas lagu furayay uu dhulka la dhacay isla markaana cashar lama ilaawaan ah u dhigay sadex ka mid ah dadka la ciyaara.

Dibigan oo sida ka muuqata sii xasuusan dhibaatooyinkii kooxaha ku ciyaaraa u gaysteen kulankii hore ayaa ka soo baxay goobta lagu hayo ee garoonka, isaga oo aad u gadoodsan, waxaanu hirdi daran doori ah la beegsaday, ninkii ugu horeeyay ee albaabka u istaagay, kaas oo looga gurmaday inuu nafta kaga jaro, kii labaad oo garoonka badhtankiisa ku sugayay ayaa isna xaalad tii la mid ah uu marsiiyay, waxaanay ciyaartaasi ku xidhantay dibiga oo ka guulaystay

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version