WAJAALE NEWS

War deg deg ah xarunta dhexe ee kulmiye oo gacanta la isula tagay mid ka mid ah xildhibaanada wakiilada oo dhaawac lasoo gaadhsiiyey iyo ciidamada RRUda oo la wareegay gacan ku haynta xarunta kulmiye

Hargeisa(Wajaalenews)Xarunta dhexe ee kulmiye ayaa waxa hada gacanta iskula tagay qaar ka mid ah mas,uuliyiinta iyagu ka rirsan xisbiga kulmiye iyada oo halkaasna dhaawac loogu gaystay mid ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee Somaliland dagaalkan gacan ka hadalka aha ayaa ahaa mid ujeedadiisu daarnayd khilaaf dhanka ergooyinka ah,

Dhawaca ayaa waxa soo gaadhay xildhibaan dhakool oo isagu ka mid ah wakiilada Somaliland waxaana dhawacan soo gaadhsiiyey c/rashiid ducaale qandi oo isagu hore u dawladii riyaale ka ahaa wasiirku xigeenka wasaarada hawlaha guud iyo guryayta wararka xog ogaalka ah ee wajaalenews ay hada ka hel;ayso xaruntaasi ayaa sheegaya in gacanka hadalni ka bilaabmay labada nin oo iyagu kazoo jeeda gobolka sool ,

Xubnaha kala duwan ee kulmiye ayaa iyagu laka saftay dagaalkani gacan ka hadalka ah ee dhex maray mas,uuliyiintaasi iyada oo uu dagaalku yahay mid guud ahaanba ku baahay xaruntasi oo saaka ergooyinka kala duwan loogu qaybinayey kaadhadhkii shirwaynaha

Waxaana hada la wareegay gacan ku haynta xarunta kulmiye ciidamnada loo yaqaan RRdu oo gabi ahaanba gacan ku hayay amaanka xaruntaasi

Wajaalenews.net

Hargeisa/office

Exit mobile version