WAJAALE NEWS

Waftigii Uu Hogaaminayay Wasiir Warancade ooMaanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

HARGEISA(Wajaalenews);Wafigii uu hogaaminaayey Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay mudo todobaad ah  safar ugu maqnaayeen dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti .
Waftigan uu hogaaminaayo Wasiir Cali Maxamed Waran Cade ayaa Markii ay garoonka diyaaraadaha ee  Magaalada Hargeysa ka soo dagay, waxaa halkaasi ku soo dhadhaweeyey Madax kala duwan oo ka tirsan Xukuumada Siilaanyo.
Wasiir  Cali Maxamed Waran Cade oo Warbaahinta ugu warmaayey qolka nashada ee Madaarka Hargeysa ayaa  waxaa uu sheegay iney hawlihii shaqo ee ay dalka Jabuuti ay u tageen ay isla so afgarteen Madaxda Dawladaasi  oo ay si wada jira oo walaal tinimo ah ay iskaga kaashan doonaan wixii dano ah ee ay wadaagaan labada dawladood,waxaa uu sida oo kale uu sheegay in uu madaxweynaha dawlada jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ay gaadhsiiyeen fariin aad muhiim u ahayd oo ay ka sideen Madaxweynaha Somaliland.

“runtii waxaan halkan jecel nahay inaan uga mahad celino dawlada jabuuti oo aanu mudo todobaad ah aanu imika ku maqnayn sida wanaagsan ee naloo soo dhaweeyey,runtii waxaanu madaxweynaha jabuuti ismaaciil cumar geele aanu gaadhsiinay fariin aanu ka sidnay madaxweynaha somaliland oo runtii nuxur badan xambaarsanayd ,arimo badan oo labad dawladood ka dhaxeeyana waxaanu runtii aanu ku dadaalnay in si dhaw oo walaal tinimo ah laysaga kaashado waxaan runtii ay ku soo dhamaatay is afgarad qiima leh oo wanaagasan “Ayuu yidhi Wasiir Cali Maxmed Waran Cade.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version