WAJAALE NEWS

SucuudigaMaxkamad-Dil-Ku-Xukuntay-Hogaamiye-Ka-Tirsan-Al-Qaacida.

HARGEISA(WAJAALENEWS);Maxkamada Boqortooyada Sucuudiga ayaa dil ku xukuntay Faris Al-Zahrani oo ahaa hogaamiyihii koox ka tirsan Al Qacida oo weeraro ka gaystay gudaha dalka Sucuudiga.

Faris ayaa lagu eedeeyey inuu ahaa ninkii abaabulay weeraro Al Qacida ka gaysatay gudaha sucuudiga sanadihii 2003 illaa 2006.
Qoraal lagu shaaciyey Warbaahinta dawlada Sucuudiga ayaa lagu sheegay in Faris Al Zahrani uu ku adkaystay fikirkiisa Mayalka adag iyo difaacida dilalka lala beegsado ciidamada Sucuudiga, arrintaasi oo khatar ku ah amniga dalka hadii xabsiga laga siidaayo, ayaa lagu yidhi qoraalka maxkamada Sucuudiga.

Faris Al Zahrani ayaa lagu qabtay magaalada Abha ee koonfurta Sucuudiga sanadkii 2004 xili la sheegay inuu u baxsanayey wadankaasi Yemen.

Exit mobile version