Hargeysa (WJN)– Shir lagaga hadlayey Xeerka xuquuqda carruurta, oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqo Galinta,Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland ayaa lagu qabtay Magaalada Hargeysa.
Waxa furitaankii tababarkaas ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo galinta,Arimaha Bulshada iyo Qoyska Maxamed Cilmi Aadan (Ilka case) iyo Ku xigeenka Garyaqaanka Guud Qaranka Xuseen Balel, Xubno ka socday Hay’adaha u xilsaaran xuquuqda carruurta iyo Masuuliyiin kale oo ka socotay Wasaaraddaasi.
Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Ku xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranka Xuseen Balel oo sharraxay muhiimada loo qabtay Tababarkaas iyo waxyaabaha lagu lafo-guri doono muddada uu socdo.
Sidoo kalena Ku-Xigeenka garyaqaanka guud wuxuu sheegay in xeerka xuquuqda carruurtu ku salaysan yahay shareecada Islaamka.
Maxamed Cilmi Aadan (Ilka case) Agaaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo Galinta,Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland ayaa sheegay in xeerka xuquuqda carruurtu uu in badan ku soo noqnoqanayey isla markaana dib loo bilaabay xeerkaasi.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Wajaalenews Desk
Hargeysa Office
Wajalenews@gmail.com