dowlada waxa aan ka codsanayaa inay miisaaniyad u sameeso maalinta 18 may.”
AHMED RASHEED oo ah siyaadsi yar oo ka waramaya ama wax ka sheegaya ictiraafkan la ina ictiraafay waxaanu ku bilaabay:”HAMBALYO HAMBALYO jaaliyada reer uk gaar ahaan gobolka shefeild ee maanta gartay ama xasuustay inay dalkoodii hooyo ay wax u qabtaan waa arin lagu farxo oo ku farxad galinaysa,waxa aan leeyahay jaaliyadaha kale ee reer uk ama reer yurub ee jecel dalkooda hooyo ama xiiso ka hayo waa inay abaabulaan oo sameeyaan waxay sameeyeen reer shefeild oo ay hoosta ka bilaabaan oo albaab walba oo ictiraafka loo mari karo la garaacaa waa in la ina bartaa inaynu nahay dal jira oo lugihiisa ku taagan.
Shalay tvga waxa aan ka daawanayey qurba jooga dalka gudihiisa jooga oo xaflad qabsaday waan ku farxay markaan shalay arkay arinkaas oo ay iyagu is abaabuleen waxa aan kalmad kahayaa nin oday ah taas oo ah qurba jooga dibada uun maaha inay hadlaan ee kuwa gudaha joogaana waa inay is abaabulaan waa arin lagu farxo waxaan leeyahay wada howsha aad qaranka u haysaan waa howl culus oo waliba ka culus howlaha kale waa ictiraaf waad ogtihiinoo ictiraaf raadintu maaha arin yar oo lagu ciyaaro,waxa waliba aan markale u mahadnaqayaa qurba jooga iyagu is xil qaamay ee gartay inay dalkoodu wax u baahan yahay sida reer shefeild oo kale waa arin culus hadana alxamdulilaah way ku guulaystay hamigoogi ahaa in la ictiraafo dalkoodi hooyo waliba howshii way ku jiraan oo waxaanba maqlayey baarlamaanka UK iyo YURUB ayaa loo gudbinayaa.
Waxa aan iyagana aan hambalyo u dirayaa wasaarada arimaha dibada ee kulmiye oo iyada la’aan tayd aanay suurta galeen arinkani waxa si fiican u socota siyaadsadii arimaha dibada oo aad moodo in isbedel wayni ku yimid intii uu qabsaday mahamed biixi yoonis oo ah wasiirka kalya ee ugu shaqada badan ama ugu howsha badan wasaaradaha waxa aan leeyahay mahamed biixi dalkaaga hooyo guul ayaad u soo howday taas oo ah dhaq-dhaqaaqa ictiraaf raadinta wali maynaan maqlin Somaliland ayaa la aqoonsaday balse maanta ayaynu maqalnay maasha allah.
Waxa aan u soo noqonayaa howlaha 18 may oo inaga aad iyo aad inoogu qaali ah,xalay waad arkayseen in uu madaxwaynuhu gudi u magacaabay waa arin lagu farxo oo dowladu howsheeda waxa aan u maleenayaa inay dhaqaajinayso balse waxa aan la hadlayaa shacabwaynaha reer Somaliland gudo iyo dibadba ee jecel dalkooda hooyo inay howshaas ay dowladu qabatay ama dantu inoogu wada jirto aynu wada qabanaa oo walibana 18 may waa in laga dareemaa ama ka duwanaadaan 18 may yadii hore oo iminka ictiraafbaaba aynu u rinay markaas waa in dhaq-dhaqaaq badan oo aynu meel walba banaan bax iyo dabaal deg aynu ka sameenaa oo la dareemaadee maalintaas inagu qaaliga ah si gaara waxa aan ula hadlayaa jaaliyada ku dhaqan dalalka kala duwan ee yurub siiba waxa aan UK looga fadhiyaa sidii awalba lagu ogaa inay gacan libaax ka qaadato oo yar iyo waynba aynu inagu is dirnaa oo abaabulnaa dadka.
Dowladana waxa aan u sheegayaa inay miisaaniyad ama dhaqaale u sameeso maalin taas qaaliga ah ee 18 may oo inaga agteena qaali ku ah,maalintan inala aqoonsadayna waa inaynu waynaynaa ileen waa ictiraafkii ugu horeeyee 2 APRIL waa inay inagu noqotaa maalin qaaliya iyaduna laakiinse 18 may ee iminka fooda inagu soo haya waa inaynu muujinaa awoodayna dowlad ,shicib,ciidan,dhaqaale wax kasta oo Somaliland ku fadhido oo indhaha dadka kale soo jiidanaa iyo dalalka kale soo jiidanaa oo tusnaa waxkasta oo Somaliland horumar gaadhay dhinac walba oo aynu ku nidhaahnaa na aqoonsada Somaliland waa taasee?
Walaahi hadii aynu inagu meel is gaadhsiino waxa aan rumaysnahay in aynu meel gaadhayno dhinac walba ha ahaato.
Iminka waad aragtaan dowladeena kulmiye inay wax qabatay waxna u dhiman yihiin waa horumar oo dowladu waxa aan aamisan yahay 79% inay wax qabatay waa arin lagu faano maasha allah waxa aan isleeyahay Somaliland waxa u furmay daaqadihii ictiraafka oo durba waad aragtaan dowladii UK siday iminka isku nahay dalal kale oo fara badan oo ina ictiraafsan oo aan ku dhawaaqin uun ictiraafka ayaa jira sida Sweden meelal kale oo badan waa wax lagu faano.
Waxa aan hadalkaygan ku soo gubaabinayaa oo aan hambalyo u dirayaa:
1)MADAXWAYNAHA JAMHUURIYADA SOMALILAND MUDANE:AHMED MAHAMED MAHAMUUD SIILAANYO.
2)WASIIRKA ARIMAHA DIBADA MUDANE:MAHAMED BIIXI YOONIS.
3)XISBI XAAKIMKA KULMIYE.
4)dowlada kulmiye ama siyaadsada kulmiye oo dhan waayo siyaadsada kulmiye ayay ku jirtay”.