WAJAALE NEWS

“Dekeda Berbera Waxay Noqonaysa Mida Ugu Mashquulka Badan Kuwa Geeska Afrika”Qalinkii Farxaan A. Jaamac.

Dekeda Berbera, waxa Ilahay dhigay Marin-muhiim u ah, isu-socodka dunida, iyadoo ku taala goob istaatiya, isla markaana ah Wadnaha Geeska Afrika, Marin-biyoodka Baabul-mandab oo ay kulaalayso iyo isu-gudubka Saxiimadaha Xamuulka qaada ee u kala goosha qaaradaha dunida.

Wejiga koowaad ee ballaadhinta dekedda Berbera, waxa la rumeysan yahay inuu qaadi doono in ka badan hal milyan oo konteenar sanadkiiba oo leh kaabayaal casri ah, oo isugu jira wiish-ka-dejineed iyo wiishashka wareega.

Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, oo Heshiis la gashay Shirkada Dp World, oo maalgelisay Dekeda Berbera, waxay Mashaaric Horumarineed ee Maalgelinta Dekeda Berbera guulaysteen mudadii uu hoggaanka talada Somaliland yimi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Tisqaadka Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera waxa uu soo maray maraaxil kala duwan, waxana Guusha Dhismaha Dekeda Berbera, si shaqqsiyana ugu suntan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo shaqsiyaad uu kow ka yahay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi. guulahaas ay Somaliland gaadhay Maanta cid kastoo ka qayb qaadatay, waxa ay istaahishaa in magacooda lagu xardho Taalooyin Waaweyn, waayo?. Hoggaamiye kastaa oo dalkiisa Horumarinaya kaabayaashiisa dhaqaale, wuxuu Taarikhda dalkaas ka galaa Baal Dahab ah.

Dekeda Berbera waxay noqonaysaa sannadaha dhow mida ugu Mashquulka badan, Dekedaha ku yaala dalal Geeska Afrika. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, waxay ku hawlan yihiin, inay noqoto Dekeda Berbera mida waraabisa inta badan dalka Itoobiya oo aan lahayn bad, waxanay ku guulaysteen qorshaha, Itoobiya na waxay diyaar u tahay inay badeecaddaheeda kala duwan kala soo degto, 70%, Dekeda Berbera oo ah mid Casriya oo Caalamiya.

Dekeda Berbera waxay Xukuumada Somaliland intii kalankeeda ah si weyn ugu horumarisay qalabayn badan iyo sidoo kale dhismayaal xafiisyo iyo weliba Tabobar xirfadooda kor loogu qaadayo Shaqaalaha Dekeda Berbera.

Haddaba Ujeedada qormadan kooban ayaa ah inaynu ku iftiimino isbedelada la mahadin doono ee ay Dekeda Berbera samaynayso sannooyinkii u dambeeyey. Dekeda Berbera waxay isu diyaarinaysaa inay noqoto midda ugu hoggaamisa Dekedahaha Geeska Afrika mustaqbal dhow, waxayna sadexdii sanaadood ee u dambeeyey qaadaysaysay tallaabooyin Horumarineed oo dhinacyo kala duwan ah, waxay u muuqata saadaasha mustaqbal wanaagsan ee Dekeda Berbera inay noqon doonto Dubai Geeska Afrika.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu abuuray Xirfad-yahano ku xeel-dheer shaqada loo qabanayo Maraakiibta waaweyn iyo Gaadiid Gaadiid kasta oo bada mara.

Tan iyo intii uu Maareeyaha ka ahaa Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, isla markaana qaybta raarista iyo dejintana ay xukumaysay Shirkada Caalamiga ah ee Dp World, waxa ay Dekeda Berbera u horumartay si aan la qiyaasi karin, iyadoo gaadhay meel sare. Waxqabadka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa kamid ahaa inuu Sadex sanaadood gudahood ku keeno laba Taag oo Casriya, kuwasoo 30 sanaadood aanay yeelan dekedu maanta ka horow.

Sidoo kale waxa kamid ah, dhisme Sadex dabaq ah oo ka kooban 24 Xafiis iyo laba Hool oo lagu talo galay Shirarka inuu u dhisay Dekeda Berbera. Iyadoo Maamulka dekedu hada uu ku shaqeeyo, xafiisyadaas oo u qalabaysan nidaam dawladnimo oo dhamaystiran ka muuqdo.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu la yimi hanaan hoggaamineed oo wadaniyadii ka muuqato, waxanu sameeyey dedaalo uu ku horumarinaayo Dekeda Berbera, oo hada ah mid ka dhisan Qalab ahaan, shaqo ahaan iyo aqoon ahaanba. Dekeda Berbera waxay maanta leedahay shaqaale xirfadoodu sarayso, qaarkood uu Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi kusoo tabo-baray dalka dibadiisa, sidoo kale waxay leedahay shaqaale lagu tabo-baray gudaha dalka oo weliba dhowr qaybood ah.

Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu noqday, Maareeyihii koowaad ee ay Mahadisay Dekeda Berbera, waxyaabo Tiro badan oo kale kusoo kordhiyey Dekeda sida nalalka Bada ee habeenkii Iftiima, iyadoo maraakibta hada habeenkii lasoo xidho. Sidoo kalena dekedu shaqayso 24 saacadoodba, nidaamka shaqaalaha iyo shaqada oo Casriya, taasina waxay fudaydisay inuu laban-laabmo ama sadex jibaarmo hananka shaqo ee dekedu u qabato Shacabka iyo ganacsatada dalka. La soco qaybaha dambe.

Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.

jamafarxaanaadan@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.

Exit mobile version