WAJAALE NEWS

Al-Shabaab oo dishay labo qof oo rayid ah oo watay gaadhi jaad isla markaana gubay jaadkii

Qoryoolay(WJN)Wararka aan ka heleyno Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta DagaalyahanO katirsan Al-Shabaab jidka u galeen gaari jaad ka qaaday Deegaanka Janaale kuna sii jeeday Degmada Qoryooley.

Dagaalyahanada Hubeesan ee Al-Shabaab katirsan ayaa la sheegay in gaarigan jaadka u waday Degmada Qoryooley ay ku fureen rasaas xoogan taa oo keentay in ay ku geeriyoodaan labo qof oo gaariga jaadka waday saarnaa .

Al-Shabaab ayaana gacanta ku dhigay gaarigii jaadka waday iyagoona xiligaa kadib dab qabad siiyay sida ay kuwarameen dad goob joogayaal ah oo kusugan Deegaano u dhaxeeya Degmada Qoryooley iyo Janaale.

Gudoomiyaha Degmada Qoryooley ayaa Warbaahinta Muqdisho u xaqiijiyay in Al-Shabaab ay dileen labo qof oo rayid ah kuwaa oo lasocday gaari jaad u waday Qoryooley, waxa uuna intaa raaciyay in Al-Shabaab ay dab qabadsiiyeen gaarigaasi .

Al-Shabaab ayaa horey u mamnuucay jaadka , waxa ay marar kala duwan Gobolada Dalka ay ka joogaan ay ku gubeen gaadiid jaad u siday degmooyin iyo deegaano ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

 

Wajaalenews.net

Hargeisa/office

Exit mobile version