WAJAALE NEWS

Afghanistan: Musharrixiin walaac ka qaba cadaaladda natiijada doorashada Madaxtinnimada

kaabul(wajaalenews)Musharrixiinta u tartamaya jagada Madaxweynaha waddanka Afghanistan oo maalmo ka hor la galay doorashada lagu soo dooranayo Madaxweynaha waddankaas hoggaamin doona, ayaa qaarkood walaac ka muujinayaan caddaaladda natiijada doorashadaas ka soo bixi doonta, iyaga oo dalbanaya in la sameeyo caddaalad.

Mid ka mid ah musharixiinta ugu cad cad tartanka madaxtinimada Afghanistan ayaa sheegay inuu doonayo in si caddaalad ah loo tiriyo codadka doorashadii bishan dhacdey.

Mar wax laga weydiiyey suuragalnimada in la qabto wareeg kale oo doorasho,Waxa uu sheegay  inay muhiim tahay in  tirinta codadka ay noqoto mid hufan oo sharci ku dhisan, iyadoon loo eegayn cidda ku guuleysata.Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibedda ee Afghanistan, Abdullah ayaa  in

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashada Afghanistan ayay sheegayan in 45 boqolkiiba wax ka badan oo ah codadka la dhiibtey lagu darey diiwaanka electronikada ah, isla markaana qeyb kala dhiman oo natiijada ah aan la shaacin karin ilaa laga wada tiriyo ugu yaraan 20 ka mid ah 34-ka gobol ee dalku ka kooban yahay.Dorashadani waxa ku loolamayey sideed musharax oo isu soo tagay xilka madaxtinimadda oo uu ka midyahay madaxwaynihii hore ahmid karazai,Oo isagu umuuqda intartanka laga horeeyo,

Natiijada kama dambeysta ayaa la filayaa inay soo baxdo bartamaha bisha May. wadanka Afghanistan,Waxa ragadiyey dagaalo ka dhacayey mudo dheer una dhexeeyey jabhada dalibaan iyo dawladda wanka Afghanistan oo dageero kahela ciidamo maraykan ah iyo kuwa nato,Lamana sadalinkar cida ku gulaysan karta dorashan madamo musharixinta qarkood aad isugu dhawayihiin.

Exit mobile version