WAJAALE NEWS

Wasiir Warancade Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Qabteen Gacan Ku Dhiiglihii Dilay Taliyihii Deegaanka Xaaji Saalax

HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in ay gacanta ku soo dhigeen Gacan ku dhiiglihii Dilay Taliyihii Deegaanka xaaji Saalax.

Wasiir Cali Maxamed Warancade oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa Sidoo kale ka hadlay Hawlo nabadeyn ah oo ay ka fuliyeen Gobolada Bariga.

“Waxaan jecelahay inaan dadweynaha ugu bushaareeyo in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii dilay taliyihii Xaaji Saalax  taas oo uu imika ku jiro gacanta dawlada, arintaas oo ah mid aad u qiimo badan aniga oo u mahad naqaya dhamaanba dadkii nagala shaqeeyey sidii aanu gacanta ugu dhigi lahayn gacan ku dhiiglahaas oo dilay sarkaal ciidanka Police-ka ah oo madax ka ahaa Police-ka Laan Mulaaxo ee Xaaji Saalax”ayuu yidhi Wasiir Cali Maxamed Warancade

Dhinaca Kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa ka hadlay Hawlo nabadayn ah oo ay ku tageen qaar ka mid ah Gobolada Bariga Soomaliland.

“Waxaanu ku guulaysanay  in shaqaaqooyinkii ka dhacay dhinaca bariga iyo hawdka dalka inay si wanagsan u dhamadeen oo ay dhamaantoodba meel fiican  oo nabad galyo aanu gaadhsiina”

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

 

Exit mobile version