WAJAALE NEWS

WAR DEGDEGA;Cutubyo ka tirsan Ciidanka Somaliland oo Caawa gaadhay Laas-qoray, iyo Madaxweynaha Puntland oo sheegay in uu Barri imanayo.

HARGEISA(WAJAALENEWS);Ciidamada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Caawa Gaadhay Magaalada Laas-qoray ee gobolka Sanaag, ciidamadan gaadhay deegan kaasi ayaa ka dambeyey kadib markii Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiwali Cali Gaas ku dhawaaqay in safarka uu ku marayo gobolada Puntland oo ku maridoona Magaalada laas-qoray.

waxana malmihii ugu dambeyey Dhulkaasi ka taagnaa Dhaqdhaqaaq Ciidan oo u dhexeya Somaliland iyo Puntland, Ciidanka Somaliland ayaa Galabta ka Ambo baxay dhinaca Xeebta Sanaag iyago caawa Gaadhay Laas-qoray, Ciidanka Somaliland ayaa la sheegaya in ay yihiin ciidan aad u hubeysan oo sanadooda Militari ay dhan yihiin, waxana la sheegay in ay ka jawaabay Gar-darada maamul goboleedka Puntland ku soo xad-gudbayo xuduudaha somaliland.
Madaxweynaha Puntland ayaa Caawa ku sugan Magaalada Boosaaso oo uu maanta ku soo gaadhay kormeer uu ku marayo Gobolada Puntland taaso uu sheegay in deeganka Las-qoray iyo Dhahar uu imandoona, balse Xukumada Somaliland ayaa Ciidamo xoogan jiidaasi u dirtay, Todobaadkii hore ayey ahayd markii Madaxweynaha Somaliland uu tagay deeganka Las-qoray oo wax yar u jirta Magaalada Boosaaso iyada oo Maamulka Puntland Arrintaasi ka hinaaseen.

Lama oga in Madaxweynaha Puntland uu isku soo miidamindoono Laas-qoray iyo in uu safarkiisa baajindoono

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version