|
|||||
WAJAALE NEWS
WAR DEGDEGA;Cutubyo ka tirsan Ciidanka Somaliland oo Caawa gaadhay Laas-qoray, iyo Madaxweynaha Puntland oo sheegay in uu Barri imanayo.
March 22, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(WAJAALENEWS);Ciidamada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Caawa Gaadhay Magaalada Laas-qoray ee gobolka Sanaag, ciidamadan gaadhay deegan kaasi ayaa ka dambeyey kadib markii Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiwali Cali Gaas ku dhawaaqay in safarka uu ku marayo gobolada Puntland oo ku maridoona Magaalada laas-qoray. waxana malmihii ugu dambeyey Dhulkaasi ka taagnaa Dhaqdhaqaaq Ciidan oo u dhexeya Somaliland iyo Puntland, Ciidanka Somaliland ayaa Galabta ka Ambo baxay dhinaca Xeebta Sanaag iyago caawa Gaadhay Laas-qoray, Ciidanka Somaliland ayaa la sheegaya in ay yihiin ciidan aad u hubeysan oo sanadooda Militari ay dhan yihiin, waxana la sheegay in ay ka jawaabay Gar-darada maamul goboleedka Puntland ku soo xad-gudbayo xuduudaha somaliland. Lama oga in Madaxweynaha Puntland uu isku soo miidamindoono Laas-qoray iyo in uu safarkiisa baajindoono WAJAALENEWS DESK EMAIL;wajalenews@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|