WAJAALENEWS ;Sida aynu la wada socono waxa dhawaan xukuumadda Somaliland ay ruqsadii shaqo kala noqotay Telefishanka Universal TV ka dib markii uu ku kacay ama uu baahiyay wax Qaranimada Somaliland ku lid ah oo maamuuska iyo sharafta Madaxweynaha Somaliland iyo shacbigiisaba wax u dhimaya, taas oo uu ku baahiyay barnaamij uu ula baxay Faaliyaha Qaranka Soomaaliyeed, oo aanay ku jirin Somaliland.
Universal TV waa Telefishan ganacsi oo faa’iido doon ah, dhammaan mulkiileyaashiisu waa dad u dhashay dalka ay colaaduhu ka jiraan ee Soomaaliya.
Universal TV waxa uu ka mid yahay Telefishanada Afka Soomaaliga ku hadla kuwa ugu da’da weyn iyada oo Telefishanadii ay isku wakhtiga ahaayeen dhammaantood ay ka baxeen hawadda, taas oo sababta koowaad looga dhigayo inay bixin kari waayaan kiradii satalaytka, iyo inay buuxin kari waayeen hadafkii iyo kalsoonidii ummaddaha afsoomaaliga ku hadla, markii ay ujeedooyin gobol, qabiil iyo koox ku milmeen.
Universal TV mar haddii uu yahay Telefishan ganacsi oo faa’iido doon ah, waxa ku waajib ahayd inuu ixtiraamo heshiisyada ay wada galaan deegaamada iyo dawladaha Geeska Afrika ku yaala ee dadka Soomaalida ahi degan yihiin sida Jamhuuriyada Jabuuti, Jamhuuriyada Somaliland, Ismaamulka Kililka Soomaalida ee Itoobiya iyo Kiiniya oo uu dawlad kasta iyo shacbi kasta oo deegaamadaa yaalla uu ixtiraamo dhaqankooda, caadadooda iyo madaxdoodaba si aanay dhibaato u soo gaadhin habkiisii ganacsi iyo dhexdhexaadnimadiisa oo ku xidhaysay in deegaan kasta ay la macaamilaan oo uu ka faa’iidaysto una faa’iideeyo si uu ugu sii jiro hawada maadaama tartan lagula jiro.
Universal TV, Somaliland shacbigeeda iyo xukuumadoodaba waxa uu ku qabay faa’iido dhaqaale oo sabab u noqotay inuu noqdo TV awooda inuu kirada iska bixiyo, Somaliland waxay kow ka tahay meelaha uu Universal TV faa’iidada ugu badan ka heli jiray sanad walba, iyada oo ganacsiga, waxbarashada iyo maamulka kala duwan ee Somaliland min heer degmo illaa tuulo ay barnaamijyada uu sii daayo badankooda lacagta ka bixinayeen haddii ay war tahay iyo haddii ay barnaamij tahayba kumanay haboonayn in Universal oo isaga laftigiisa daawadeyaashiisa Somaliland u lahaa faa’iido warbaahineed ay ku qabeen dadku mid maaweelo iyo mid warba.
Mulkiilaha Universal TV arrintiisu wax ay u muuqataa murtidii ahayd “KARIS XUN IYANA WAX KU LA’”
barnaamijka maaweelada ee inanka yar ee aan xog-ogaalka u ahayn dhaqanka iyo hab-nololeedka guud ahaaneed ee dadka afka Soomaaliga ku hadla ka mudan yihiin, ayaa ku guulaystay inuu kala daadiyo qorshihii mulkiilaha TV-gaasi dejiyay ee uu mandaqadda geeska afrika oo dhan kaga faa’iidaysan jiray ee lacagta badani waliba Somaliland uga iman jirtay.
Mulkiilaha Universal TV waxa ku waajib ah inuu ka bixiyo raalli-galin khaladkii iyo gafkii uu ku kacay ee uu ku dhaawacay daawadeyaashiisa Somaliland isla markaana uu si cad qoraal ugu bayaamiyo inuu dhawrayo oo ixtiraamayo karaamadda iyo iraadada shacbiga iyo dawladda Somaliland oo ah mid tacab iyo halgan adag ka dhalatay oo aan loo dul qaadaynin in inan yar oo wallo-weyn ahi ku ciyaaro ama wax ka sheego. Waan hubaa in mulkiilaha TV-gaasi uu dhexda farta ka qaniinay oo uu qoomamaynayo dhaqaalihii kuusnaa ee TV-giisa uga soo xaroon jiray Somaliland oo meesha ka baxay, isla markaana ay shirkad kasta oo ganacsi iyo mid dawladeedba ay xadhiga u jari doonto Telefishankaasi oo u xuub siibtay mid u goo’go’ay aflagaadada Somaliland oo noqday aalad Soomaaliya u soo addeegsato Somaliland.
WAJAALENEWS DESK