WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Muqdisho Oo Shirkii Turkiga Ee Somalilad Iyo Somaliya Ku Tilmaamay Dariiqii Midnimada Somali Weyn.

Muqdisho(Wajaalenews) -Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa  sheegay  in wadahadallada ay Somaliland la leeyihiin  ujeeddadooda ugu weyn ee ay ka leeyihiin tahay sidii ay u soo celin lahaayeen Midnimadii Soomaaliya oo uu tilmaamay inay  tahay lama taabtaan iyo wax aan gorgortan la gelin Karin.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  waxaa kale oo uu sheegay inay soo dhaweynayaan Kooxda la baxday Khaatumo State oo ku doodda inay aamminsan yihiin Midnimo Soomaaliweyn, balse deegaan ahaan iyo dad ahaanba ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo habeen-hore dadku si toos ah su’aalo ugu weydiinayeen khadka Taleefanka isaga oo marti ku ahaa Barnaamij ka baxa Universal TV ee la yidhaahdo Dood-wadaag, waxaanu halkaa Madaxweyne Xasan kaga jawaabay su’aalo door ah oo barnaamijkaa si toos ah loogu weydiiyey, isla markaana waxa uu hadalkiisu ku soo beegmay ka dib markii uu soo xidhmay shirkii wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo wajigiisii shanaad ku qabsoomay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo Axaddii toddobaadkan la soo gebo-gabeeyey, lagana soo saaray sagaal qodob oo ay labada dhinac ku heshiiyeen, isla markaana wada saxeexeen.

“Xukuumaddii naga horreysey ayaa bilowdey (wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya), guusha la gaadheyna waa iyada oo si toos ah la isu soo hor-fadhiistay, taasoo aan hore u jirin, muhimadda wadahadalkani waa in la helo Soomaaliya oo mid ah oo hal Calan leh, waa halkaas meesha aan u soconnaa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabayay su’aal laga wediiyay ujeeddada ay Soomaaliya ka leedahay wadahadallada ay la waddo Somaliland iyo waxa ay ka doonayaan inay ku soo dhammaadaan musta  qbalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la weydiiyay inay aqoonsadeen Kooxda la baxday Khaatumo State oo sheegta inay aamminsan yihiin midnimo Soomaaliweyn, balse deegaan ahaan iyo dad ahaanba ka tirsan Somaliland, waxa uu ku jawaabay; “Dad isu tegey oo Geed hoostiis fadhiistey oo wax ku heshiiyey waxaan u diideyno waa maxay? Haddii reer Khaatumo wax ku heshiiyeen waxaas ayaan ixtirameynaa, kuna taageereynaa. Laakiin, maannaan gaadhin heerkaas, Nidaamka Federaalka weli umaannu  gudbin.”
Barnaamijka Dood-wadaag ee laga baahiyay TV-ga Universal, ayaa ay dadku su’aalo toos ah ku weydiinayeen khadka Taleefanka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa kale oo la weydiiyay waxa ka jira in Urur ama koox gaar ahi ku xeeran tahay oo uu talada ka qaato.
Waxaanu Xasan Sheekh su’aashaa kaga jawaabay oo uu yidhi; “Madaxweyne keligii taagan maxaad ku falaysaan?.. Dadka aniga igu hareereysan waa kuwo leh khibrado kala duwan Madaxtooyaduna u baahan tahay, anigu maan bilaabin in xayndaabka Madaxweynaha dad gaar ahi joogan weligeed ayey dhici jirtrey. Laakiin, anigu in aan u danbeeyo ayaan rejeynayaa.”
Madaxweynaha Soomaaliya, oo sidoo kale la weydiiyay haddii Xukuumadda cusub ee la dhisay ay shaqayn weydo inuu is-casilayo iyo in kale, waxa uu ku jawaabay; “Haddii Xukuumaddan cusub-na shaqeyn weydo in aan is casilo iyo in kale waxay ku xidhan tahay asbaabta, haddii aan anigu leeyahay diyaar ayaan u ahay in aan is-casilo, sharci i qabanaaya ayaa jira, haddii cid kale leedahayna iyada, ayaa loo saarayaa.”
“Foosiya iyo Maryam shaqadii ugu wanaagsaneyd ayay soo qabteen Xukuumaddii hore, ee sunnada ayaa ah in la is-beddelo oo la is nasiyo. Doorkan Gabdhaha waxaa la siiyay dib-u-dhiska dalka oo dib-u-dhiska dalka oo dhan Wasaaraddaas waxaa loo magacaabay Gabadh, way jirtaa in doorkii Haweenku aanu muuqan. Laakiin, waa la gaadhi doonnaa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey sababta uu hoos ugu dhacay doorka ay Haweenku ku yeelan lahaayeen Xukuumadda cusub ee Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh.
Maxaxweynaha Soomaaliya waxa kale oo wax laga weydiiyay is-casilaadda Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo iska casilay Wasiir Ku-xigeenka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada oo uu Raysal-wasaare Cabdwali u magacaabay iyo dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab inay joojiyeen.
Waxaanu Madaxweyne Xasan Sheekh oo su’aalahaas ka jawaabayaa yidhi; “Maxamed (Tarsan), xilka uu hayo mid ka weyn ayaan la jeclaaney oo ah Wasiir Ku-xigeenka Ciyaaraha waana uu ka cudur-daartey. Markaa, waan ognahay in uu soo shaqeeyey hadda welina xilkii lagama tirsan oo isaga ayaa shaqeeya.”

Exit mobile version