WAJAALE NEWS

SIYAASAD IYO TACLIINTA WAA LA KALA FOGEEYAA ARDAYDA SAAXIL NA WAA LA MARIN HABAABIYEY Qalinkii Eng Habane.

Waligey 23 sano ee Somaliland jirtey maan maqlin manaan arag waxaa aan goor caweysa oo aan u soo fadhiistey daaawashada warka HCTV ku soo dhacey dhagaheyga dareen kaygana hal mar si toosa ugu soo jeediyey shaashadii uu warku ka baxayey.

Iguma cusba oo waa dad aan si fiican ugaranayo cidda hadleysaa lakiin waxaan is weydiiyey su,aalahan

1.     Maxaa ku kalifey inay waxaan ka hadlaan?

2.     Maxaa faa,iido ugu jirta?

3.     Tolow miyeyna ogey in kuwa la mid ka ahi aanay waxan oo kale ka hadlin layaabna ay tahay?

Maankeyga iyo maskaxdeyda waxaan u sheegey inaaney isku daalin su,aalahan madhaleyska ah ee aan baadhitaan ku sameeyo waxaa sababey inay sidan u hadlaan ileen waa dad qiimo weyn xageyga ka leh waa kuwa mustaqbalka loo han weyn yahay inay wadanka guul gaadhsiiyaane,

Waxaan hubsadey oo aan si ka fiirsasho leh u ogaadey inaaney maskaxdooda ka soo gu,in laakiin dad ay qiimeyn iyo qadarin u hayaan ay ku kalifeen inay waxaas ku hadlaan, ileen qof aad kuugu weyn sida waalidkaaga, macalinkaaga, iyo inta la midka ahi wixii ay kaa codsadaan waad u sameyneysaa.

Waayo waa ardaydaydii waxaan isla soo marnay waayo badan waxa uu asaagood ka xishoodo ama aan cid la mid ah ka hadlin kumaan wadin inay ka hadlaan.

Taasi ay caruurtu sameeyeen waxaa ka sii daran ee aan la yaabey markii ehelkii tacliinta ee gobolka saaxil ay xaalka bixin waayeen caruurtana u aqli celin waayeen aad baan uga xumaadey in aqoonyahan kii reer saaxil ka hadli waayeen.

isku soo wadda duuboo waxaan ardeyda kula talin lahaa inay ka fikiran mustaqbalkoda xooga iyo wakhtigana galiyaa cilmiga ay baranayaan iskana ilaaliyaan cid kasta oo dan gaara ku waddata ileen adigu arday baad tahay waxaa kaliya ee lagu waydiinayaa waa wixii aad baraneysey. Ogow kan siyaasad kugu soo darayaa isagu markii uu ardayga ahaa waxaas kamuu hadli jirin imikana danihiisa ayuu kugu fushanayaa haddii uu wax wanaagsan kula doonayo miyuu maalin qudha kaa taageerey waxbarashadaaada? Jawaabtu waa maya ileen waan iska war qabnaaye.

Cidda siyaada wadanka mustaqbal ka dooneysana waxaan kula talin lahaa SHALAAD BARATEE WAA LA SHUBI JIREY, ha miciin san meel aan la miciin san aqoonta iyo siyaasadana kala saar haddii aad tahay aqoon yahan dhaba haddii kalena adaa ku fashilmi, imikaba waxaad ku bilowdey meel aan laga bilaabin NINKA AAN MAQASHA LAGU AAMININ GEEL U DIRAN MAYNO, wakhtigana hayska lumin

 

ENG HABANE

 

HARGAYSA SOMALILAND

 

Exit mobile version