WAJAALE NEWS

Khilaafkii Sharci Ee U Dhaxeeyay Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Wasaarada Hawlaha Guud Oo Xal Loo Helay iyo Dareenka Labada masuul.ka

HARGEISA (WAJAALENEWS);“Ururka dawladaha hoose ee dalka waxa gudoomiye u ah aniga oo ah maayarkii caasimada kana wakiil ah, xafiiskana sharciyan waxbaa lays waydiiyaa khilaaf kasta

Hargeysa(WJN):-wasiirka hawlaha guu, guryeynta iyo gaadiidka Somaliland iyo maayarka caasimada Hargeys ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqay inay soo af jareen khilaaf soo kala dhex galay.

Masuuliyiintan oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa waxay tilmaameen inay soo af jareen khilaafkii soo kala dhex galay ee la xidhiidhay dhulka danta guud ah.

Wasiirka hawlaha guud guryeyntan iyo gaadiidka Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ugu horay ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu sheegay inay soo dhameeyeen khilaafkii soo kala dhex galay dawlada hoose ee caasimada waxaanu yidhi “Waxa warbaahinta in badan haystay warar la xidhiidha in dawlada hoose iyo

dawlada dhexe  oo ay wasaarada hawlaha guud wakiil ka tahay ay is hayaan waxaanan idiin sheegaynaa in hadiiba uu jiray  oo si uun wax layskula fahmi waayey ay dawlada hoose iyo wasaarada hawlaha guud ay  dhameeyeen wixii khilaaf ahaa ee jiray, wixii danbe ee farsamo ah layskula noqon doono xafiisyada iyo hay’adaha dawlada.” Ayuu yidhi wasiirka hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed.Wasiirka hawlaha guud guryeynta iyo gaadiidka Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaanay diidanayn xuquuqda ay leeyihiin dawladaha hoose waxaanu yidhi “Haddii aanu nahay dawlada dhexe-na aanu cadayno in aanan marna duulaan ku ahayn xaq ay leeyihiin golayaasha deegaanka ee dalka, dawlada hoose-na aanay diidanayn wax xuquuq ah oo ay leedahay dawlada dhexe  wixii halkaas ka danbeeyana ay noqon doonto hawl xafiis oo si fiican loo maamulo ayna ka wada hadlaan cidii ay ka dhaxaysaa oo ah aniga(wasiirka hawlaha guud) iyo duqa caasimada.” Ayuu yidhi wasiir Cabdirisaaq Khaliif.

Sioo kale maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa dhiniciis sheegay inay soo af jareen khilaafka soo kala dhex galay dawlada dhexe waxaanu yidhi “Ururka dawladaha hoose ee dalka waxa gudoomiye u ah aniga oo ah maayarkii caasimada kana wakiil ah, xafiiskana sharciyan waxbaa lays waydiiyaa khilaaf kasta oo dhacayna waxaan leeyahay imika waanu uga dhanahay wixii farsamo ahna xafiisyada ayaa lagu dhamaynayaa oo cidii khusayso ayaa ka wada hadlaya, wax laba dawladood la yidhaahdaa ma jirto aniguna golayaashii deegaanka ayaanu nahay,  madaxweynaha Somaliland ayaana wasiiradiisa, golayaasha deegaanka ee la doortay  iyo qaybaha kale ee dawladu wada hoos yimaadaan.” Ayuu yidhi maayar

Maayarka caasimada oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in wixii farsamo ah ee ka soo hadhay is af garadkan lagu dhamayn doono xafiisyada ay khusayso waxaanu yidhi “Waxaad ogaataan in wixii farsamo ah lagu dhamayn doono xafiisyada iyo halka ay khusayso wixii khal khal ahna ha laga daayo qarankuna mid qudha oo wada shaqaynaya wax danbe oo khilaaf ah oo halkaas ka soo bixi doonaa ma jiri doono.” Ayuu yidhi Maayarka caasimada Hargeysa

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version