Muqdisho (W,N) – Wararka laga helayo saraakiil ka tirsan Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ayaa xaqiijinaya in maanta la dhaawacay Taliyihii Ciidamada Gaarka ah ee ilaaliya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Taliyaha dhawacay oo Magaciisa lagu sheegay Gan Cabdifitaax Dabagaale, isla markaasna ahaa Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee ilaalada Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu dhaawacay afaafka hore ee Madaxtooyada .
Dhaawaca ayaa yimid kadib markii ay Taliyaha murmeen askari ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo Taliyaha ku eedeeyey inuu lunsaday Musharkiisa.
Sida la xaqiijiyey, murankan ayaa yimid kadib markii askarigu taliyaha uu ku eedeeyay in uu lunsaday lacag uu lahaa askarigu, hayeeshee muranka oo sii dheeraaday ayaa sababay in la dhaawaco Taliyaha.
Askarigii dhaawaca geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana Taliyaha loo qaaday mid ka mid ah goobaha caafimaadka ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana weli la xaqiijin karin xaaladda Caafimaad ee Taliyaha iyo sida uu yahay dhaawiciisa.
Ciidanka gaar ah ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wax mushar ah qaadan labadii bilood ee ugu dambeysay.
Sidoo kale, shaqaalaha Madaxtooyada ayaan iyagana mushahar qaadanin ku dhawaad 4 bilood, taasi oo laga cabsi qabo in ay ka dhalan karto halis amni oo intan maanta kasii badani
WAJAALENEWS DESK