HARGEISA WAJAALENEWS ,Waxaa maalmihii ugu danbeeyay ka dhacay magaalooyinka somaliland gaar ahaan hargaysa in la xado Wiilcaruura oo dadiisu aad u yar tahay. Waxa kale oo jirtay.
Caruurtan ayaa da’dooda lagu qiyaasay dhawr iyo toban jiro kuwaa soo la waayay muddo laga joogo seddex cisho ka hor.
Hadaba wiilkan yare e la wayay ayaa lasheegayaa in marka hore qorshuhu ahaa in lakaxaysto dhawr caruura arintan ayaa ka danbeeyay kadib markii uu fashilmay mashruuc hore u jiray oo ahaa mashruucii magafayaasha oo badi dhalin yaradii somaliland tahriibiyay oo la waayay boqolaal dhalin yaro ah badankoodu ku dhinteen saxara liibiya iyo badaha talyaaniga sida ay noo xaqiijiyeen ehelkii wiilka yar ee laga xaday oo ciyaal iskuul ahaa.
“inan yar oo 12 jir oo magiciisa la yidhaahdo Suhayb ismail xasan bakayr ayaa la waayay seddex cisho ka hor , wuxuna ka yari dhiganayay iskuulka irshaad, oo ku yaala xaafada jigjiga yar oo ka tirrsan degmada ibraahin koodbuur, wiilka yar ayaa waxaana la sheegay in dhankaa iyo itobiya loo qaatay, waxaana imika ku maqan raadcadiisa aabihii iyo qaar kale oo ehelkiisa ah.oo baadi goob uga jira” .
Dhanka kale waxay warka xatooyada nagasoo gaadhayaa tibaaxeen in hada laqabtay dirawalkii dhaagi kayar lagu qaaday watay islamarkaana jeelka loo taxaabay; isagoo lasheegay inuu kaantaroolada ku dhaafinayay wiilka yar anaa dhalay.lama hayo war rasmiya oo kasoo baxay qabashada ninkan la shaqaysanayay budhcad caruureeda ,
Arinta ayaa ah mid abuurtay war war hor leh oo ku habsaday waalidiinta, marka hore khaatiga ka taagnaa, magafe daashadayna, waalidiinta, iskuulada iyo madarasadaha ayaa saaka laga dareemayay wacyigalin ku saabsan in ay iska jiraa budhcaruureedaa;;
Isku soo wada duubo dadkan ayaa noo sheegeen in mashruucan xatooyada ah ee caruurta lagu xadayaa ay tahay mid daba socda mashruucii hore ee magafayaashu ay caruurta ku tahriibin jirtay ee fashilmay.
Xukumada somaliland ayaan kaba warhayn dhacdooyinka foosha xun ee lagu xadayo ubaxii dalka ee maalinba ilmo yar la waayayo.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EAMIAL;wajalenews@gmail.com