Hooyo reer Canada ah ayaa dib ula midawday wiilkeeda oo laga afduubtay 1987-dii isaga oo yar.
Jermaine Allan Mann aabihii ayaa lagu eedeeyay in uu la tagay wiilka yar oo 21 bilood jira, markaas oo ay qorshaynayeen in ay Toronto booqdaan.
Wiilka iyo aabihii ayaa magac aan kuwoodii rasmiga ahaa ahayn ku joogay Maraykanka wixii toddobaadkii hore ka horreeyay, ka dib markii aabaha lagu eedeeyay in uu isticmaalayo dokumanti been abuur ah.
Xidhitaankii la xidhayna wuxuu dhaliyay in la soo afjaro dadaal ay booliiska labada dal ku baadigoobayeen wiilka yar ee la waayay 31 ka hor.
Jermaine Allan Mann oo hadda 33 jir ah ayaa hooyadii u sheegay in loo sheegay in hooyadii ay dhimatay isaga oo sabi ah, balse Sabtidii iyo Axaddii midkeed ayay hooyadii Lyneth Mann-Lewis u duushay Maraykanka si ay wiilkeeda ula midawdo.
Isniintii ayayna faahfaahin ka bixisay la kulanka wiilkeeda la helay.
“Erayo laguma cabiri karo sida aan dareemay,” ayay tidhi, “erayada ah wiilkaagii wuu nool yahay oo waan helnay neecaw ayay ahaayeen.”