WAJAALE NEWS

Waxaanu-U-Sacaba-Tumaynaa-Qaan-Gaadhnimada-Golaha-Guurtida Madaxweynaha-Somaliland.

HARGEISA(WAJAALENEWS) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa markii  uu dhammaaday khilaafkii golaha wakiilada Somaliland, wuxuu soo jeediyay in wada jir loo shaqeeyo.
Md. Siilaanyo, ayaa farriin kooban oo khamiistii la geliyay barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku ammaanay golaha guurtida Somaliland. “Khilaafkii siyaasadeed ee golaha baarlamaanka waa la xaliyay. Wada jir ayaynu hore ugu sii socon karnaa. Waxaanu u sacabo tumaynaa qaan-gaadhnimada golaha guurtida.” Sidaas ayuu Madaxweynuhu ku yidhi, qoraalka la geliyay barta uu ku leeyahay twitterka.
Golaha guurtida Somaliland ayaa Arbacadii xaliyay khilaafkii golaha wakiilada oo saamayn ku yeeshay amniga guud ee Somaliland.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;wajalenews@gmail.com
Exit mobile version