Wafdiga madaxweyne Gaas oo ay ka mid yihiin wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan goleyaasha maamulkiisa, odayaal dhaqameedyo iyo xubno kale ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey masuuliyin ka tirsan dowlada Somalia uu ka mid ahaa raisul wasaare C/wali Maxamed Cali, waxaana madaxweyne Gaas iyo wafdigiisa loo gelbiyey xarunta madaxtooyada Villa Somalia.
Waa markii ugu horeysay ee madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas uu booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho tan iyo intii xilkaas loo
doortay bishii hore.
Ujeedada safarka Madaxweyne Gaas iyo wafdigiisa ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu la xiriiro ka qeyb galka aas Qaran oo maalinta beri ah loo sameyn doono meydka raisul wasaarihii hore ee Somalia marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo dhowaan ku geeriyooday dalka Maraykanka.
Wixii warar ah ku soo kala soco boggan.
Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane