WAJAALE NEWS

Jaamacada Golis Oo Munaasibad Soo Dhawayna U Sameeyey Masuuliyiin Ka Socotay Jaamacada Sudan Open University Ee Dalka Suudaan.

Hargaysa(WJN):- Jaamacada Golis ee Magaalada Hargaysa ayaa munaasibad soo dhawayn ah u sameeyey jamaacada Sudan Open University ee dalka Suudaan.

Hargaysa(Wajaale-News):- Jaamacada Golis ee Magaalada Hargaysa ayaa munaasibad soo dhawayn ah u sameeyey jamaacada Sudan Open University ee dalka Suudaan.

Masuuliyiin ka socotay Jaamacada Sudan Open University oo bookhasho ku yimi Jaamacada Golis oo ka mid ah jaamacadaha waawayn ee Somaliland ayaa munaasibad soo dhawayn ah oo loo sameeyey waxa ay ugu horayn ka hadleen dareenkooda iyo waxyaabihii ay kala kulmeen Jamaacada Golis iyo guud ahaanba Somaliland .

 

Waxa kale oo masuuliyiinta ka socday jaamacada  Sudan Open University ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay arkaan jaamacadaha Somaliland oo lagu baranayo shareecada diinta islaamka iyo culuumta kaleba.

Guddoomiyaha Jaamacada Golis Dr Siciid Axmed Xassan ayaa isna xusay in ay si diiran u soo dhawaynayaan  dhigooda jaamacada Sudan Open University isagoo tilmaamay in waaxda shareecada ee jaamacada Golis ay xidhiidh joogta ah la yeelan doonto jaamacadan isla markaasna ay bookhaso ku tagi doonaan dalka suudaan si ay u soo kala saxeexdaan heshiishyo dhex mara labadooda Jaamacadood.

Exit mobile version