WAJAALE NEWS

Mooshinada iska soo horjeedda ee Golaha Wakiiladda

Mooshinada iska soo horjeedda ee Golaha Wakiiladda

Hargeysa-(wajaalenews) Ugu yaraan saddex Mooshin oo iska soo horjeedda ayaa la sheegay in la horkeenay golaha Wakiiladda ee Somaliland maanta ka dib markii ay mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland ku kala qaybsameen xeer hoosaadka golahaasi oo dhawaan isbedel lagu sameeyay, isla markaana labada Gudoomiye ku xigeen ooh ore u ag-fadhiisan jiray Gudoomiyaha kuraastooda hoos loo soo dhigay.

Sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland, laba mooshin waxa watay mudanayaasha taageersan Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani, isla markaana ah Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, C/Raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro), halka ay mooshin kale oo wax lagaga bedelayo xeer hoosaadka golahana soo dhigeen mudanayaasha xisbiga xukuumadda ee KULMIYE.

Labada mooshin ee qolada wadani wadatay ayaa la sheegay inay kala ahaayeen mid maamuus ka xayuubin labada gudoomiye ku xigeen ee golaha wakiiladda ah, Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf, halka ay ka kalena ku sheegeen inuu yahay mid maamuus ka xayuubin madaxweynaha ah.

Loolan adag oo ka dhex socda mudanayaasha golaha wakiiladda ee mooshinkan wata ayaa keentay in aqalka sare ee Baarlamaanka Somaliland ee Guurtidu soo farageliyaan, isla markaana dib loo dhigo kulankii shalay.

Loolankani wuxuu keenay in guddida joogtada ah ee Golaha Wakiiladda laga saaro afar xubnood oo xisbiga xukuumadda, isla markaana ay la abuuro guddi cusub, iyada oo lagu xidhiidhinayo mooshinka mudanayaasha xisbiga KULMIYE wataan oo ay ku doonayaan in wax ka bedel lagu sameeyo xeer hoosaadka golaha Wakiiladda oo dhawaan wax ka bedel lagu sameeyay, isla markaana xilka maamuus ka xayuubinta Gudoomiyaha GOlaha Wakiiladda ka dhigayay in loo baahan yahay 55 Mudane.

Marka intaasi laga yimaado waxa labadii habeen ee u dambeeyay magaalada Hargeysa ka socda shirar gooni gooni ah iyo weliba in xisbi waliba dhiniciisa ku hawlan yahay sidii uu mooshinkiisa taageero ugu heli lahaa.

Waxay ahayd sannadkii 2009-kii markii ismaandhaafkan oo kale ka dhex qarxay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo xukuumadii Madaxweyne Rayaale, taasi oo keentay in markii dambe lagu dhameeyo ka dib markii ay soo dhexgashay beesha caalamku, isla markaana xaalaa mastuur lagu dhameeyay, hase yeeshee waxay arrintaasi keentay in ugu yaraan saddex qof oo rayid ahi ku dhintaan rabshado ay arrintaasi keentay.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version