WAJAALE NEWS

Maxaa laga Fili Karaa Safarka Marwo Faadumo Siciid ee Maraykanka

La taliyaha arrimaha debedda guddoomiyaha xisbiga Waddani Marwo.Faadumo Siciid oo muddooyinkii danbe socdaal ku maraysay qaar ka mid ah wadamada Yurubta iyo qaarada Ameerika, oo maanta soo gaadhay dalka Mareykanka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey  garoonka Dallas ee ku yaalla caasimadda Dalka Maraykanka ee Washington, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey guddoomiyaha xisbiga Waddani ee gobollada Virgina, Maryland iyo Washington DC. Nuura Axmed Weris iyo Qaar ka mida hoggaanka jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan gobolka Virginia.

Marwo Faadumo Siciid ayaa mudada ay joogto dalka Mareykanka waxaa ay la kulmi doontaa Jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan gobollada kala duwan ee dalka Maraykanka. waxaana si gaar ah waxay dadweynaha Somaliland kala qaybgeli doontaa Xuska 18 May.

Marwo Faadumo Siciid ayaa la filayaa inay kulamo la qaadato masuuliyiin ka tirsan dawladda Mareykanka iyada oo kala hadli doonta qaddiyadda Somaliland, sidoo kalena waxaa la filayaa inay kulamo la qaadato hoggaanka jaaliyadaha Somaliland ee gobollada kala duwan ee Maraykanka iyo weliba masuuliyiinta Xisbiga Waddani ee  Maraykanka.

Exit mobile version