MADAXWEYNE KU XIGEEN
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Garsoorka Jamhuuriyada Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Gudoomiyihii maxkamada racfaanka ee gobolka Awdal, Marxuum Axmed Cabdilaahi Bankaal Qaadi oo ku geeriyooday Magaalada Boorama 01/02/2014, laguna aasay.
Marxuumka oo door muhiima ka soo qaatay arrimaha garsoorka iyo cadaalada dalka Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku Marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Garsoorka, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.