WAJAALE NEWS

madaxweyne kuxigeenka JSL, waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii,Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Saleebaan Cali Kaahiye

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii,Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Saleebaan Cali Kaahiye oo ku geeriyooday magaalada Boorama, 21/01/2014 laguna aasay.

Marxuumka oo ahaa odayaashii ka soo qaybqaatay nabadayntii beelaha Somaliland wada dega isaga oo marxuumku door muhiima ka soo qaatay hubka dhigistii iyo qaramayntii Ciidamada.

Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku  Marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Exit mobile version