WAJAALE NEWS

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu shacabka somaliland uga tacsi geeridii ku timid marxuum sh axmed cali weerar oo ku geriyooday dalka djabuuti

TACSI MADAXWEYNE KU XIGEEN

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu tacsi u dirayaa Cullimo Awdiinka Dalka, Ehelkii, Qaraabadii,Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Sheekh Axmed Cali Weerar oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti oo marxuumka loogu qaaday Xaalad Caafimaad dhawaan

Marxuumka oo da’adiisu ahayd 85 Jir waxa uu ka mid ahaa Cullimada dalka magaca ku leh ee aadka loo qadariyo isaga oo marxmuumku  Ifka kaga tegay 115 Caruur ah oo  isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen.

Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku  Marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Cullimo Awdiinka Dalka, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Exit mobile version