WAJAALE NEWS

Kulankii Maanta Dhexmaray Gudiyada Labada Dhinac Ee Isku Hayey Mooshinkii Madaxtooyada Laga Soo Riixayey Oo Rajo Fiican Ka Muujiyey Wadahadalkoodii.

kulankii maantaHargeysa(Wajaale News);-Guddida Labada garab ee Golaha Wakiilada Somaliland u kala qaybsamay ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyey ku yeeshay xarunta golaha Wakiilada Somaliland.
Xildhibaanada labada dhinac ayaa oo laga soo xulay min toddoba xubnood ayaa kulankani oo qaatay Muddo saacado ah  waxaa ay warbaahinta faah-faahin ka siiyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) Iyo Xildhibaan Saleebaan Cali Koore
Mudnayaashani ayaa warbaahinta u sheegay in si fiican ay ugu socdaan wada hadalka iyo sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka hadheeyay Golaha wakiilada. Waxaanay tilmaameen in wali uu u socdo wada xaajoodku islamarkaana  wixii ka soo baxa soo bandhigi doonaan

waxaana hadaladoodii kamida” labadayadii dhinac ayaa wada fadhiya cidna dhexfadhidaana ma jirto anagaa hawshayadii wadana ajandahayagiina waanu fadhisinaynaa wixii maanta kadanbeeya ayaad warbixin naga heli doontaan, guurtidiina haday noo dhamaatey waxaanu ku war gelinaynaa inay noo dhamaatey, ilaa hadana wax carqalada ma hayno, hauday timaadana markay timaadaanu ka jawaabaynaa” ayaa uu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheerad oo hogaaminaayey garabka ay daba ka riixayaan u adeegayaasha madbakha madaxtooyada somaliland.

waxaa sida oo kale isna halkaasi ka hadlay xildhibaan saleebaan cali koore oo isna hogaaminaayey Gudida taabacsan Garabka Cabdiraxmaan Cirro hadaladiisiina waxaa kamid ahaa, “..labdayadii Gudi waanu joognaa Golahana waxaanu doonaynaa inaanu kusoo celino sharftiisii iyo karaamada,waxaanan rajaynaynaa meel fiican ayey wax noo marayaan ”

kulankan ay maanta yeesheen labada dhinac ayaa ka danbeeyey kadib shalay  codsi ay u gudbiyeen Ergadii Dhexdhexaadinta ee ku jirtey hawlaha xalinta khilaafadkii hadheeyey golaha wakiilada oo loo aanaynaayo in ay dabada kariixayeen qaar ku kujira Madbakha Madaxtooyada Somaliland oo Lacagtii Cashuurta Dadka Danyarta ah laga ururiyey, lagu doonayo in kursiga  Barlamanka ugu sareeya lagu Hantiyo.

isku soo wada duuboo wada hadalkan ay maanta fureen labadi dhinac ee is hayey ayaan lasaa daalin karin waxa kasoo bixi doona inkasta oo ay muujinayaan inay wax wada xalinkaraan maadama ay yiihiin xildhibaano mudo sideed sano ah isa soo ag fadhiyey balse taasina waxaa ay hir gali kartaa hadii xukuumada siilaanyo farafarayn ay ku hayso ka dayso wada hadalka .

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com

Exit mobile version