WAJAALE NEWS

Ka Daali Mayno In Aanu Wadankayaga Horumarino, Kana Daali Mayno Tacabka Aanu Waddooyinka Ugu Jirno,;Wasiirka madaxtoyda

Ka Daali Mayno In Aanu Wadankayaga Horumarino, Kana Daali Mayno Tacabka Aanu Waddooyinka Uugu Jirno,

HARGEISA WAJAALENEWS;Wasiirka madaxtooyada somaliland ayaa si qotodheer uga hadlaydadaalka ay ugu jiraan sidii loo horumarin lahaa adeega wadooyinka mar uu bogiisa kusoo bandhigay qoraalkan ayaa wuxuu yidhi, Waxaan Soo Bandhigaynaa Qalab iyo Qarash Wixii na soo Gaadhay”

Waxay shalay ahayd maalin xus iyo xasuus gaara mudnaan doonta, waxay ahayd maalin diiwaanka xafida samaha iyo aayaha ummadu ku qori doono qalin dahab ah.
Waxaan ku faraxsanahay Illahayna uuga mahad celinayaa in qalabkii loogu talo galay kor u qaadida iyo dhismaha waddada Ceerigaabo iyo guud ahaanba jidadka dalkeenu ina soo gaadhay, waxaan ku faraxsanahay in ay inoo muuqato rajadii iyo riyadii ummadeena oo guul ku dhaw.

Waxaa ina soo gaadhay qalabkii kala duwanaa ee loogu talo galay dhismaha waddooyinka wajigiisii koobaad, isagoo diyaar u ah hawl-galkii loogu talo galay, waxaa sidoo kale maalmahan ina soo gaadhi doona 2 “mobile mini Asphalt Mix plants” oo ah qalab loogu talo galay in ay isku qasto jayga iyo daamurka iyo sidoo kale” spare parts”-kii qalabkan .
Sidoo kale habeenka axada “Maanta ay sabti ahayd” Waxaan Soo Bandhigaynaa Qalab iyo Qarash Wixii na soo Gaadhay ee loogu talo galay in lagu fuliyo jidka Ceerigaabo Insha Allahu.

Waxaan si cad u muujin doona qof kasta oo muwaadin ah oo ka qayb-qaatay diyaar garowga loogu jiro hirgalinta jidkan, sida aad ka warqabtaan lacagaha na soo gaadhaya waxaan u diyaarinay afar meelood “accounts” oo kala ah Bangiga dhexe, Dahabshiil, Salaama, Zaad, waxaan muujin doonaa mid kasta intii soo gaadhay iyo muwaadinkii ku deeqay, sidoo kale waxaan soo bandhigi muwaadiniintii balan qaaday “Pledge” waxaanan ka codsanaynaa in ay balantoodii oofiyaan “Bixiyaan”
Hadii madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Xukuumadiisu ay balan qaadeen dhismaha waddada Ceeerigaabo, maanan beenin ee waad aragtaan , diyaar garowga aanu ka galnay in aan xaqiijino rumaynta himiladaas.
Hadii aanu horay u sheegnay in qalab waddada loo diray, waad aragtaan oo hortiina ayuu taagan yahay
Hadii ay xukuumadu tidhi Dhaqaale ayaanu bixinaynaa maanan beenin ee Miisaaniyada ka eega inta loogu daray,
Hadii aanu nidhi dhaqaale ayaanu bulshada ka ururinaynaa, habeenkaas aynu balanay ayaanu soo bandhigi doonaa shilin walba iyo muwaadinkii ku deeqay.
Hadii aanu nidhi waanu bilaabaynaa, labada todobaad ee soo socda ayaanu bilaabaynaa ee ku farax Insha Allahu..
Dhamaystirkeeda Illahay ayaa iska leh balse sidii aanu uugu balan qaadnay ayaanu uugu soconaynaa, marnabana joojin mayno .
Ka daali mayno in aanu wadankayaga horumarino, ka daali mayno tacabka aanu waddooyinka uugu jirno, waxna noo dhimi mayso ee iyaga ayaa wax isku dhimaya cida wax xun ka sheegta.
Waxaan aaminsanahay qofkasta oo muwaadin ah oo dalkiisa jecel in uu maanta muuqaalkan ku faraxsan yahay, waxaan aaminsanahay qof kasta oo qalbigiisa uu ku jiro xanuun isla markaana aan dalka la jeclayn horumar in uu ka naxayo aragtida dalkeenii iyo dadkeenii oo ay wax u kordheen.;ayuu wasiirku hadalkiisa ku sookoobay

 

WAA MARKII U HORAYSAY EE DAWLADA SOMALILAND SOO IIBSATO QALAB NOOCAN OO KALE AH IYADOO BAAHI WAYNA LOOQABAY, QALABKA AYAA HADII LADARYEELO WAXTAR BADAN U YEELANAYA HORUMARINTA WADOOYINKA, SU,AASHU SE WAXAY TAHAY MUXUU KAGA DUWANANAYAA GADIIDKA DAWLADE EE AAN CIDINA DARYEELI? ISLAMRKAANA AAN LAGA WARHAY MARKASTA IYO GOOB KASTA,

Wa Bilaahi Tawfiiq

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version