|
|||||
WAJAALE NEWS
Ka Daali Mayno In Aanu Wadankayaga Horumarino, Kana Daali Mayno Tacabka Aanu Waddooyinka Ugu Jirno,;Wasiirka madaxtoyda
February 20, 2014 - Written by Editor:Ka Daali Mayno In Aanu Wadankayaga Horumarino, Kana Daali Mayno Tacabka Aanu Waddooyinka Uugu Jirno,HARGEISA WAJAALENEWS;Wasiirka madaxtooyada somaliland ayaa si qotodheer uga hadlaydadaalka ay ugu jiraan sidii loo horumarin lahaa adeega wadooyinka mar uu bogiisa kusoo bandhigay qoraalkan ayaa wuxuu yidhi, Waxaan Soo Bandhigaynaa Qalab iyo Qarash Wixii na soo Gaadhay” Waxay shalay ahayd maalin xus iyo xasuus gaara mudnaan doonta, waxay ahayd maalin diiwaanka xafida samaha iyo aayaha ummadu ku qori doono qalin dahab ah. Waxaa ina soo gaadhay qalabkii kala duwanaa ee loogu talo galay dhismaha waddooyinka wajigiisii koobaad, isagoo diyaar u ah hawl-galkii loogu talo galay, waxaa sidoo kale maalmahan ina soo gaadhi doona 2 “mobile mini Asphalt Mix plants” oo ah qalab loogu talo galay in ay isku qasto jayga iyo daamurka iyo sidoo kale” spare parts”-kii qalabkan . Waxaan si cad u muujin doona qof kasta oo muwaadin ah oo ka qayb-qaatay diyaar garowga loogu jiro hirgalinta jidkan, sida aad ka warqabtaan lacagaha na soo gaadhaya waxaan u diyaarinay afar meelood “accounts” oo kala ah Bangiga dhexe, Dahabshiil, Salaama, Zaad, waxaan muujin doonaa mid kasta intii soo gaadhay iyo muwaadinkii ku deeqay, sidoo kale waxaan soo bandhigi muwaadiniintii balan qaaday “Pledge” waxaanan ka codsanaynaa in ay balantoodii oofiyaan “Bixiyaan”
WAA MARKII U HORAYSAY EE DAWLADA SOMALILAND SOO IIBSATO QALAB NOOCAN OO KALE AH IYADOO BAAHI WAYNA LOOQABAY, QALABKA AYAA HADII LADARYEELO WAXTAR BADAN U YEELANAYA HORUMARINTA WADOOYINKA, SU,AASHU SE WAXAY TAHAY MUXUU KAGA DUWANANAYAA GADIIDKA DAWLADE EE AAN CIDINA DARYEELI? ISLAMRKAANA AAN LAGA WARHAY MARKASTA IYO GOOB KASTA, Wa Bilaahi Tawfiiq WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|