WAJAALE NEWS

Wasiirka Biyaha Oo Xilalkii U Kala Wareejiyay Agaasimaha Cusub Iyo Agaasimihii Hore Ee Wasaaradda.

Hargeysa(W,N)Munaasabad Ballaadhan oo ay il yartu is qabatay ayaa ka qabsoontay xarunta Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland,taas oo ahayd mid uu xilka kula wareegeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Maxamed Xasan Dirir,iyadoo uu Xilkaas kale wareegayey Agaasimihii hore ee Wasaaraddaas Axmed Cabdi Ismaciil.

Xafladan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaana uu Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha Maxamed Muuse Diiriye uu xilalka ugu kale wareejinayey Agaasimihii guud ee hore ee Wasaaraddaas iyo Agaasimaha cusub ee uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland u soo magacaabay xilkaas Maxamed Xasan Dirir Maxamud.

Munaasabad oo ahayd mid ay ka soo qayb-galeen marti sharaf kale duwan oo iskugu jirta Xildhibaano,Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda iyo Hay’addaha Dowlda,Madax-dhaqameed iyo shaqaalahaWasaaraddaas, kuwaas halkaas haddalo ay ka jeediyeen ku sii sabootiyey Agaasimihii hore halka ay Agaasimaha cusub-na ay ku soo dhaweyeen.

Qaar kamid ah Masuliyiintii Xildhibaanadii iyo Madax-dhaqameedkii madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday kartida iyo aqoonta Agaasimaha cusub ee Wasaaraddaas loo soo Magacaabay ee Maxamed Xasan Dirir uu leeyahay,waxaanay sheegay inuu aqoontiisa iyo kartidiisa uu yahay mid dadkiisa iyo dalkiisa uga fa’iidayana

Dhanka kalena Waxa isna halkaas hadlay Agaasimihii hore ee Wasaaraddaas Axmed Cabdi Ismaciil,waxaanu soo bandhigay muddadii uu xilka hayey waxa u qabsoomay “wasaasarada wax-qabad baddan ayaanu ka muujinay,waxaamu dib u dhis iyo hayb ku samaynay maamulka waax-yaha Gobolada iyo ka degmooyinka dhammaantood oo aanu gaadhsiinay in aanu maamul u samayno dhammaan degmooyinka A-da B-da iyo C-da ee Somaliland,waxa kale oo noo suurtagashay in aan fulino Mashariic qoddis dhaamam aan qodnay oo 13 ah iyo 40 ceel oo kuwa dhaadheer ah 81 ceelasha gaagaaban ah iyo biyo gelin aanu ku samaynay 28 degaan.” Ayuu yidhi

Waxa kale uu Agaasimihii hore ee Wasaaradda oo haddalkiisa sii wataa uu halkaas ka sheegay waxa uu ku wareejinayo Agaasimaha cusub waxaanu ku bilaabay sidan:-“Agaasime guud ee cusub waxaan kugu wareejin doonnaa qalab iyo hanti ay Wasaaraddu leedahay oo dhammaantood-ba cusub oo inta aan joognay aan soo kordhinay Gaadiidka halkan taxan iyo labadan wiish,waana hanti Qaran runtii oo wax weyna ka qabanaysa dhinaca hawlgalada iyo farsamada biyaha .”Ayuu Yidhi Agaasimihii hore ee Wasaaradda Biyaha

Geesta kalene Agaasimaha Guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha Maxamed Xasan Dirir oo xilkaas la wareegayey, ayaa isna sheegay inuu shaqada Qaranka u gudan doono si hagar la’aan ah,waxaanu illaahay ka beryey inuu xilkaas la garab-galo:-“waaan idinka wada dareen duwanahay waxa laga yabaa inay munaasabadu farxad u baddan tahay lakiin annigu culays ayaan dareemayaa,culayskaas waxa uu ka imanayaa oo ii muuqata awal hore qof iska xor ah ayaan ahaa oo danihiisa wata ayaan ahaa maanta’se Hooyada ku haraaday Somaliland meel kasta oo ay tahay iyo geedka u baahan in la waraabiyo iyo Xayawaanka iyo shinbiraha u baahan inay cabaan masuuliyadoodii ayaan maanta hayaa,sidaa dartee culays ayaan dareemayaa .”

Agaasime Dirir oo haddalkiisa sii wata ayaan intaas ku daray “waxaan shaqaalaha u balan-qaadayaa inaynu fuulno tareen dheeraynaya oo aynu ummadda ugu shaqayno himiladii ay ummadani lahayd iyo arragtida Madaxweynaha Somaliland labadaba inaynu guul deg-deg ka dhalino weeyaan insha allaah .”Ayuu yidhi Agaasime Dirir.

Ugu Dambeyn waxa munasabadaas soo afmeeray Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye isagoo xilalkaas si rasmi ah ugu kale wareejiyey Agaasimihii hore iyo Agaasime Maxamed Xasan Dirir oo xilkaas la wareegay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxay kamid tahay Wasaaraddana kuwa uu mudnaanta koobaad siiyo,waxaanu ku shaqaynaa qorshihi iyo himiladiisii uu dhigay,waxaanu ku shaqaynaynaa waxa weeye in aanu qaabkan aanu ku nool-nahay aynu biyaha u doonayno ee aynu u fikirayno in aynu wax ka baddelno,waxaan aad iyo aad ugu mahadnayaqaa Agaasimahaygii hore iyo Agaasimaha guud ee cusub Dirir waxaan leeyahay Agaasime soo dhawow ,waxa ka soo horeeya shaqaale wacan oo aanu weliba aqoon iyo qalab ku soo kordhinayn kula qaban doona hawsha Wasaaradda,waxaan aqoonsanay marka lagu darro wixii aanu annagu dhaxalnay ee aanu halkan ugu nimi iyo wixii aanu ku soo darnay inay maanta qabsan karto Wasaaraddani ma jarihii loogi talo galay..”Ayuu yidhi Wasiirku

Exit mobile version