WAJAALE NEWS

Mukhalas laga Eryay Alaabaha Uu ka Cashuuri Jiray Madaarka Hargaysa Oo la Soo Bandhigay Sobobaha looga Caydhiyay Iyo Inta Jeer Ee Digniino La Siiyay

Hargeysa(Wajaalenews)-Mid kamid ah Mukhalasiinta Kastamka Cashuuraha Madaarka Caasimada Hargeysa ayaa, markii u horeysay loo helay cadeymo daaha ka feydaya Qoraal lagaga sexeexay Digniin ku sahabsan in uu ka waantoobo Madmadow soo kala dhex galey Maamulka Kastamka Madaarka taas, oo lagaga hor sexeexay Taliyaha Qeybta Ilaalinta Cashuuraha Somaliland, isagoo ku sheegay in aanu mar dambe ku noqonaynin dambiyada loo haysto.

Sidoo kalena cadeymahani waxa lagu soo bandhigayaa Warqad Qoraal Sharci ah oo Shaqada lagaga joojiyay taas oo sitoos ah loogu socodsiiyay Mustafe Cabdilaahi Yaasiin oo ah mukhalaska marka hore Warbaahinta soo mariyay kadib markii shaqada laga joojiyey fadeexado been abuur ah sida ku sumadeysan nuxurka qoraalka Warqada Shaqada laga joojiyey oo soo baxdey 1/04/2016 qoraalkaas oo Maamulaha Kastamka Madaarku ku eedeeyay in uu dakhli dheeraad ah kaga raadiyo Ganacsatada agabka sidaa daraadeedna aanu hore u cashuurin taas, oo mushkilad ku noqotey Dakhliga guud ahaanba.

Nuxurka Qoraaladaasi iyagoo dhameys tiran waxey u dhignaayeen Sidan.



 

 

 

 

Exit mobile version