WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Fadhigii Golahaasi Dib U Riixay, Maxaa’se Keenay

HARGEISA (WAJAALENEWS)Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa fadhigii Golahaasi oo loogu balansanaa Maalinta Berri ah dib u dhigay, ka dib markii ay golaha Guurtidu codsi u soo direen.

Codsiga Golaha Guurtida oo uu ku saxeexnaa Ku Simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtida,ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Md. Siciid Jaamac Cali.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo dabo socda codsigaasi ayaa ku war geliyay Golaha Wakiilada in uu aqalkaasi fasax ahaan doono ilaa 25-02.2014 ee bishan aynu ku jirno.

Hadaba waxa aanu jecelahay in aan marka hore idiin soo gudbino codsigii Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida

 

http://hadhwanaag.com/attached/Golaha%20guurtida.jpg

Halkan hoosane waxaanu idiin kusoo gudbinaynaa codsigii Golaha Guurtida

Exit mobile version