WAJAALE NEWS

Gaadhigii Ceerigaabo kula qalibmay maayarka Laascaanood oo lagu dhex gubay Baanka laacsaanood iyo booliiska oo qabtay hadhaagiisii oo la xaday

LAASCANOOD WAJAALENEWS Gaadhigii Maayarka Laascaanood ee dhawaan kula qalibmayduleedka Ceerigaabo markii uu ka qayb galayey shirkii Maayarada Magaalo madaxyada Dalka ayaa ku dhex gubtay xarunta Baanka Laascaanood.
Illaa hada lama hayo cidii gaadhiga ku dhex gubtay Baanka, hase yeeshee Booliiska Laascaanood ayaa soo qabtay qalfoofkii gaadhigaasi oo markii uu shuf-beelay la xaday, iyagoo ka soo helay geerash ku yalaa darafka magaaladda.
Gaadhiga ayaa markii uu gubtay lagu war helay, waxaanu gubanyey muddo badan oo la waayey cid bakhtiisa, waxaana halis galay Baanka uu dhex yaalay oo ah Laan ay lacag farabadani taalo, waxaana markii danbe usoo gurmaday dadkii magaaladda oo bakhtiiyey gaadhiga oo hurushoobay.
Ciidanka Booliiska Laascaanood ayaa baadhaya sababta gubashada gaadhiga sababtay iyo sidii loo xaday markii danbe, illaa hadana waxa la sheegayaa in ay ku raad joogaan dadkii geeshka laga soo helay soo dhigay oo magacyadooda la aqoonsaday.

LAASCANOOD OFFICE

Exit mobile version