WAJAALE NEWS

Shirkadaha Dahabshiil Iyo Telesom Oo Qayb ka Noqday Jilayaasha Filimka Indho Sarcaadka Ah Ee Hoos Loogu Dhigayo Sarif Bararka Doolarka

Hargaysa(Wajaalenews) Boogaha dhaymaha u baahan ee Xukuumada Madaxwane Siiraanyo waa kuwo badan bartaad aragtaaba waa mid ba’an sirif bararka Lacagta Doolarkuna waa mid saamayn badan ku yeeshay nolosha guud ahaan bulsho waynta S/LAND marka laga reebo Tujaarta iyo Shaqaalaha Lacagta Doolarka mushaharka ku qaata, Qurba jooga iyo Madaxda kala duwan ee midida daabkeeda haya sarif bararka Doolarka ayaa sobob unoqday baahi xad dhaafa oo nolosha dadwaynaha ku dhaqan Miyi iyo Magaalaba saamayn balaadhan ku yeelatay sida Danyarta Shaqaalaha Muruq maalka Ciidamada kala duwan iyo bulshowaynta Lacagta Shilinka S/LAND musharooyinka ku qaadata iyo maalinlahaba waxaanu Bulshada ku noqday Abaar labaad kadib markii Lacagta S/LAND hoos dhac ku yimid

iyadoo ay adag tahay in Mushaharooyinka Lacagta Shilinka S/LAND loo siiyaa ku iibsan karaan raashin ku filan noloshooda waxaa u dheer adeeg kasta oo ay u baahan yihiin haday Fiida Dugsiyada Laydhka, Dawada ,Adeega Tilifoonada, Kirada Guryaha iyo Shay kasta oo ay baahdaanba Lacagta Doolarka lagu iibiyo  iyadoo sabobtu tahay jahawareerka Siyaasada Dhaqaalaha ee Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo oo CASHUURTA DAKADA iyo CASHUURO ku qaada Lacagta Doolarka taasina hoos u dhac ku keentay Lacagta Shilinka S/LAND iyadoo taasina sobob u noqotay kor u kaca qiimaha lagu sarifo Lacagta Doolarka halka baahida lacagta Shilinka S/LAND loo qabay ay hoos udhacday ayna noqotay mid suuqyada uun ku wareegta,

hadaba Jilayaasha filimkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee matalaadiisa ay ka wada qayb galaan Shirkadaha waa wayn ee Xawaaladaha iyo Sarifka Lacagaha ka shaqeeya ee gaarka loo leeyahay oo dhinaca iyo Gudoomiyaha Baanka, Wasiirada Maaliyada iyo Ganacsigu oo dhinaca iyadoo Filimkani wax badan la wadaago Filimo hore oo Bulsho waynta S/LAND u soo daawatay Filimadaa oo tusaale u noqon karaan Gudiyo badan oo Madaxwayne Siiraanyo u saaray arimo dalka kusoo kordhay wax go,aan ahina aanu   ka soo bixin lagana gaadhi wax midho dhalna

,

Sidoo kale Filimkan ayaa noqonaya mid ay Bulshadu Isha si gaara ugu eegayso Aqoonyahankuna ka dharagsanyahay in Metalaadiisa iska kaashanayaan labadii kooxood ee marka horeba sabobta u ahaa hoos u dhaca qiimaha Shilinka S/LAND waa Shirkadaha waawayn ee Xawaaladaha iyo isgaadhsiinta iyo xukuumada oo dhinaca ayna u jilayaan G, Baanka ,Wasiirada Maaliyada iyo Wasiirka Ganacsiga ayna ku kala iibsanayaan DIGO iyo DANBAS.

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version