WAJAALE NEWS

Afhayeenka xusbiga wadani ee gobolka gabiley oo si kulul u canbaareeyay xadhiga lagula kacay aqoonyahanka gobolka.gabiley;

Afhayeenka xusbiga wadani ee gobolka gabiley oo sikulul u canbaareeyay xadhiga lagula kacay aqoonyahanka gobolka.gabiley;

GABILEY WAJAALENEWS ;Afhayeenka xusbiga wadani ee gobolka eng daa,uud abiib axmed ayaa sheegay inay tahay wax sharciga baalmarsan in dhaliinyaro aqoontii gobolka ,ah oo aan wax danbiya oo ay galen jirin,sobobna aan loo yeelin xadhigooda ay tahay sifo sharcidaro ah loona xalaashaday xadhigooda .dhalinyarada ayaa in muda ah ku xidhan magaalada gabiley

Afhayeenka xusbiga wadani mr da,uud oo khadka telefonka ugu waramay shabakada wajaalenews mar uu safar shaqo kasoo galay ayaa sikulul u canbaareyay xadhiga xaaranta ah ee aqoonyahanka gobolka lagula kacay. wuxuuna dhaliilo u soo jediyay badhsaabka gabiley oo caadaysay inuu shaqdiisa cidkale ku sheego inay xidhay dhalinyaradaa isagoo masuul ka ah gobolka   kuna eedeeyay maamulka inuu ka danbeeyay xadhiga dhalinyartan isagoo shaqadiisii tahay badhasaabka.waxaan leenahay Somaliland waa dimuqraadiyad ee maaha digtaatooriyad, inkastooy ku maydhmeen doorashadii golayaasha deeganka taasi waa shaabad dhabarka kaga taala masuuliyiinta gabiley,dadkana xasuusinasa tamar xumda maamulka taariikhduna xusudoonto. Dadka reer gabileyna maaha inaad caqligooda caydaan oo midba mid ku riixo   ee waxaa laydiinka fadhiyaa inaad soo bandhigtid , xaqiiqda rasmiga ah ee ka danbaysay xadhiga dhalinyarada .waana nasiib daro inaad xag xagataan xusbiyada indinka tamarta badan,

Isagoo hadalkisa sii watana wuxu yidhi.Badhsaabka gabiley wanjalka iyo cabudhinta,xadhig xaarana ,miyaanu ogay inuu siyaad bare  hore ugu jabay oo adiguba aad u shaqayn jirtay ,dimuqraadiyaduna maaha waxa lagu ciyaaro ogsonow maahana  digtaatooriyad,horena waa loogu jabay

 Waxaan soo jeedinayaa in si dagdeg xoriyadoodii loogu soo celiyo dhalinyarada  bulshada reer gabileyna waxay idinka sugaysaa wax qabade maaha in xadhig loogu abaal gudo

Sidoo kale wuxuu baaq u diray bulshada rayidka ururada.bulshda. ku xuquuqda aadamaha u dooda, saxafaada madaxbanaan, inay u soo gurmadaan dhalinyarada xagdarada lagu haysto iyodhamaanba cidkastoo cadaalad daro lagu haysto inay u doodaa

ayuu yidhi ENG daa,uud abiib axmed

WAJAALENEWS GABILEY OFFICE

EMAIL; WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

Exit mobile version