WAJAALE NEWS

Guddida Joogtadda Ah Ee Golaha Wakiiladda Oo Maanta U Yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Waxyaabihii ay Ka Wada Hadleen.

Guddida Joogtadda Ah Ee Golaha Wakiiladda Oo Maanta U Yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Waxyaabihii ay Ka Wada Hadleen.

Hargeysa (WJN) – Guddida joogtada ah ee Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta warbixin ku saabsan amniga wadanku marayo ka dhagaystay wasiirka arimaha gudaha Somaliland cali maxamed waran cade.

Wasiirku waxa uu sheegay in dalka Somaliland soo mareen waayo qalafsan isla markaan waayo aragnimo ku dheehantahay sidaas awgeed aan looga baqayn inay wadanka ani xumo ka dhacado wasiirka oo arintaas ka hadlay waxa uu yidhi,,,dalku waa nabada galyo oo waxa lagu waa bariistay nabada  runtii nabadu waxa ka wanaagsani ma jiro taas oo qofwaliba ku nool yahay isla markaana jecelyahay uguna  hanbalyeeyo bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waa bulsho ubislaatay in ay dalkood ilaashadaan dhibaatooyinkii faraha badan ee soo maray oo runtii aan orankaro bulshada reer Somaliland waxa ay garteen dantooda oo waxa ay dhidibada u taageen nabada.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi,,sidaa awgeed waxa aynu ku guulaysanay dawlada iyo shacaba in aynu hareerah ka fadhino oo aynaan u ogalaanin cid kasta oo isku dayda in ay dumiso qaranimada Somaliland.

Wasiirka waxa kale uu sheegay in ay bulshada reer Somaliland ay yihiin dad ubislaaday qaranimada oo soo maray waayo iyo duruufo adag sidaas awgeed Somaliland waa dal nabada jecel waa dal aan caawimo aan ka helin beesha caalamka waa dal qaran ah isla markaa maanta cidna looga biqi maayo in nadab galiyada carqaladeeyaan.sidaasna waxa yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland  

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version