WAJAALE NEWS

Xisbiga UCID- Oo Beeniyay in xubo ka tirsan xisbigoodu ay is casileen

HARGEISA WAJAALENEWS

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

Ref/UCID/007/2014 Date: 29/01/2013

Ujeedo: Beenin

Haddaanu nahay Xisbiga UCID, waxa aanu halkan ka caddaynaynaa in aanay waxba ka jirin kooxdaa Waqooyiga LONDON iska Casilay Wax Xilal ah oo ay Xisbiga u hayeena aanay jirin mana garanayno manaanaan maqal.

Waxa ay arintani ka mid tahay Ololaha Dawladda ee sumcad ka dilka Xisbiga UCID.

Saxaafadda waxa aanu ka codsanaynaa in ciddii wax ka sheeganaysa Xisbiga ay ka fiirsadaan lana soo xidhiidhaan Madaxda Xisbiga ee Heer Gobol iyo Heer Qaran, haddii kale qof kastaa wax buu sheegan karaa.

Wakiilka Xisbiga UCID ee Dalka UK waa Gudoomiye Shiine Maxamed Koodbuur iyo Ku xigeenadiisa iyo Guddidiisa.

Waxa aanu idinka codsanaynaa in aad ka saartaan Website-yadiina Dacaayadda Raqiiska ah ee kooxdaa waji ku Macaashka ah, waxaan moodayay in waji ku macaashku Dalka uun ay joogaane dibadahana miyay ku dhasheen.

Wabillaahi Tawfiiq

Xoghayaha Saxaafadda ee Xisbiga UCID

Md. Yuusuf Keyse Cabdillaah

Exit mobile version